Hargeysa-(Lug)- Xukuumada ayaa sheegtay in laba nin oo Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya Ha’yada WFP oo bishii hore lagu afduubay deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay soo gaadheen Somaliland, markii ay ka soo baxsadeen afduubeyaashii haystay, kuwaasi oo dib loogu celinayo dalkoodii.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in labadaasi nin ay ka soo baxsadeen afduubeyaashii haystay ka dibna ay soo gaadheen Somaliland.
“Labadan nin waxay soo gaadheen Somaliland, ma doonayo inaan ka hadlo cidii afduubtay waayo waxa kiiskoodu ka dhacay gudaha Itoobiya muddo laga joogo lix todobaad, waxaanse idiin xaqiijinayaa in labadan nin oo caafimaad qaba loo celinayo dalkoodii,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo u waramayay laanta afsoomaaliga ee idaacada VOA-da.
Wasiirku waxa uu sheegay in arrinta labadan nin ay kala hadleen safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland waxaanu tilmaamay in laga wada hadlay sidii nimankan loogu gudbin lahaa dalkoodii.
Somaliland.Org


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xukuumadda Oo Ka Hadashay Laba Nin Oo Afduub Loogu Haystay Itoobiya Oo Soo Gaadhay Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback