Lug- Maamulka shabakadda wararka ee Lughaya news waxa uu halkan ka caddaynayaa in sawir astaan ah oo aannu ku lifaaqnay warbixin ay shabakaddu faafisay 26kii bishan June
oo ku saabsanayad qaadhaan-ururinta dekadda Lughaya aan asal ahaan ka helnay sawir-baadhaha google.com oo isaguna ka soo xiganayay shabakado kale oo laga leeyahay galbeedka Somali Land.

Astaanta ururka ARDAA (xigasho: ARDAA website)
Warbixinta oo uu cinwaankeedu ahaa : (Qaadhaan-Ururinta Dekedda Lughaya Oo Si Habsami Ah Usocota Iyo Jaaliyadaha Reer Adal Oo Ku Tartamaya Ka Qaybqaadashada Mashruucan), ayaa waxa la socday sawirro uu ka midyahay kan hoos ku yaalla oo ah sida muuqata astaanta mashruuca dhismaha dekadda.
Haddaba waxaanu ka raalli gelinaynaa masuuliyiinta ururka ARDAA ee ku hawllan mashruuca dekadda Lughaya inaannu sawir aan astaanta ururka ahayn isticmaalnay iyada oo aan la caddayn ama aannaan sharraxaad ka bixin haybta astaantan , sobobtuna waxay tahay tifaftirayaaasha warbixinta diyaariyay oo moodayay inay astaanatani tahay mid ARDAA sameeyay ama aqoonsanyahay oo uu summad uga dhigay dhismaha dekadda.
Hoos ka akhri warbixintii ay lughayanews ka diyaarisay habsami socodka qaadhaan-ururinta dekadda lughaya:
Lughaya news



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Lughaya News: Raalli-Gelin Ku Socota Ururka ARDAA "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback