images2.jpgDiirada-(Lug)-Maashaa’alaah! maanta reer Boorama si balaadhan ayay u soo dhaweeyeen Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin, Yar iyo wayn
Caruur iyo Ciroole Mucaarid iyo Muxaafid iyo cid walba waxa ay u soo dareertay soo dhawaynta Madaxwayneihii hore Mud. Daahir Rayaale Kaahin. Cidwalba waxa ay muujisay in libtii uu soo hooyay Madaxwaynihii hore Mud. Daahir Rayaale ay leedahay reer Awdal waana taas maanta mida sababatay in aan loo eegin soodhawaynta Mud. Rayaale Nasab gaar ah iyo cid ka soo jeeday xisbi gaar ah.

Dadka intan le’eg ee isku soo baxay oo hadana ahaa qaar uu mawqifkoodu midaysan yahay ayaa la iswaydiin karaa waxa isku soo bixiyay ee mideeyay mawqifka reer Awdal oo marar Badan ahaa mid ku kala tagay saaxada siyaasada iyo qaadashada calanada kala duwan ee Axsaabta siyaasada, waa midaas mida ay diirada isha dheer ee Lughayanews maanta rabto inay odhorosto daahana ka qaado cida ay sida gaarka ah fariimaaha ka dameeya dhoolatuskan maantu ku socdaan haka naxaan ama ha ku farxaane.

Fariinta koowaad ee ayaa ah mid ku socota shacabkii reer Hargaysaad ee Madaxwaynihii hore Mud. Daahir Rayaale uu mudada dheer dhexjoogay isaga oo xil u hayay isla markaana aan sida balaadhan uga dhiidhiyin xushmad daradii ay xukuumadda kulmiye ku samaysay markii uu ka soo dagay madaarka Hargaysaad waxana ay tahay fariinta looga dhex dirayay soodhawayntii maanta in la tuso in Rayaale aanu ahayn shaqsi indhaha la iska qaban karo oo la xushmayn waayo oo beelo loo nisbeeyo, isla markaan ay beelaha reer Awdal ee uu ka soo jeedaa  hadh iyo habeen u taagan yihiin soo dhawayntiisa.

Fariinta Labaad ayaa waxa ay tahay mid ku socota xukuumada albaabada madaarka Hargaysaad soo dhoobtay askarta tirada badan ee baajisay in la soo dhaweeyo Madaxwaynihii hore Mud. Daahir Rayaale, waxana ay shacabka reer Boorama maanta muujiyeen in aanay xitaa ciidanka dalka ee qalabka sidaa is hortaagi karin dareenka iyo rabitaanka xushmadeed ee ay shacabka reer Boorama u hayaan Madaxwaynihii hore Mud. Daahir Rayaale oo ay u arkaan inuu yahay midkii suurta galiyay dimuquraadiyada JSL.

Fariin kale oo muhiim ah ayaa waxa ay tahay mid ku socota xisbiga kulmiye iyo masuuliyiintiisa ka soo jeeda gobolka oo ay dad badani aaminsan yihiin in ay ku guul daraysteen inay Madaxwaynihii Hore Mud. Daahir Rayaale oo ay isku hayb yihiin u istaagaan iyaga oo ka urinaya in uu yahay hormoodkii mudo dheer ka sababay in ay saaxada xoriyatul qawlka ka caagaan, waxana ay tahay fariinta ku socotaa in ay reer Boorama maanta muujiyeen in haba ahaato wax aan loo kala hadhine uu Madaxwaynihii Hore Mud. Daahir Rayaale yahay mid aan xisbi loo nisbayn karin isla markaana ay reer Boorama yihiin siduu-doonaba-yeele maanta soo wada qaatay calanka xisbiga Udub oo la hubo inaanay madaxyooyada reer Awdal jecleysanayn aragtidiisa isaga oo ka dhex babanaya suuqyada iyo wadooyinka Boorama.

dhinac kale waxa la sheegayaa inuu madaxwayne Rayaale isagu hoos isku dhigay markii uuu dalka ku soo galay koofiyaddii UDUB ee uu maalmihii ololaha doorashooyinka  wadan jiray iyo calankii xisbigaasi, waxayna ahayd baa la leeyahay inuu UDUB, KULMIYE, iyo UCID ba isugu muujiyo nin u dhexeeya oo ay waayoaragnimadiisu gaadhsiisay inuu saddexda xisbiba la talin karo, haseyeeshee taasi may dhicin sida ay dadbadani qabaan.

Sidii doono ha loo micnooyo safarka Rayaale ee Boorama’e waxa hubaal ah in ay caadifadii beelaysnayd ee ay beelaha dhexe ku sameeyeen Rayaale ay sababtay in ay reer Boorama maanta iloobaan in Rayaale uu yahay midka kaliya ee mudo dheer masuulka ahaa isla markaana aanan waxa u qaban bulshadiisa marka laga reebo kala qaybsaanaan, gobolkii oo uu kala googooyay iyo qabyaalad balaadhan oo uu isagu macalin ka ahaa oo uu reer Boorama kala dhex dhigay.

 mudane  Rayaale oo ah khabiir sirdoonka ku xeel-dheer kana tirsanaan jiray sirdoonkii Afawayne  ayaa maanta  ku soo laabtay Boorama isaga oo ay dad’diisu aad u sii waynaatay isla markaana ay biyahii Roobku siwayn u waxyeeleeyeen wadada hormarta guriga uu ku leeyahay magaalada Boorama ee ay reer Burcaad u yaqaanaan Aafadii Burco.

Diirada Lughayanews