Xubno isugu jira suxufiyiin,qorayaal iyo sawirqaadayaal ka hawlgala saxaafadda kala duwan ee fadhigeedu yahay Hargeysa iyo kuwa dibedda ayaa Boorama ka soo saaray bayaan ka dhan ah afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Cukuse,
Isla markaana xukuumadda u jeediyey cabashooyin la xidhiidha Xuquuqdooda ay ku leeyihiin fursadaha u soo baxa Suxufiynta dalka sida Safarada iyo Aqoonkorodhsigooda.
Bayaankan oo ay ku saxeexanyihiin dhawr iyo toban suxufi oo ka hawlgala saxaafadda gudaha iyo debedda ayaa bayaankoodan ku bilaabay ;
“Ka dib markii ay badatay dulmiga iyo tacaddiga uu afhayeenka madaxtooyadu ku hayo saxaafadda G/awdal, Isla markaana uu lumiyey sifaha lagu yaqaanno masuul qaran oo dhex u ah dadweynaha dalka ee xidhhiidhka la leh hawshiisa, waxaan laga bilaabo maanta dib uga fiirsanaynaa wadashaqayntii an la lahayn warbaahinta xidhiidhka la leh afhayeenka madaxtooyada iyo kuwa madaxa bannaan ee hargeysa ka soo ka dib markii uu ku kacay afhayeenkaasi iyo ragga saaxibaddii ah ee iska leh warbaahinta madaxa bannaani, arrimo door ah oo ay ka amid yihiin.
1- Isagoo afhayeenka madaxtooyadu mar kasta dulmi ku haya saxfiyiinta gobolka, Isla markaana Fursad kasta oo ay xukuumadda Hay’adaha dawladda iyo kuwa madax bannaniba ugu talogaleen Suxufyiinta dalka ka reeba kuwa gobolkan Awdal, kuna kooba kuwa ka soo jeeda haybtiisa ee ku sugan Caasimadda dalka.
2- Isagoo ku dhaqma sifo ka baxsan Qarannimada, Midnimada beelaha Somaliland iyo jidka loo mari karo Ictiraaf raadinta mar kastana safarada debedda ee masuulyiinta xukuumadda, tababarada gudaha Iyo debedda iyo mashruuc kasta oo ay suxufiyiinta dalku ka faaiideysan karto ka reeba kuwa Gobolkan, taasina macnaheedu noqon karo nin ku shaqeeya qabyaalad gobolaysan iyo mid cunsurinnimo oo Dadka walaalaha ah ee gobolada Somalland aan dhex oollin.
3- Isagoo afhayeenku mar kasta oo laga hadlayo arrimaha dalka iyo doorka gobolka Awdal ka qaadan karo midnimada beelaha iyo qarannimada u jiheeya dhinaca kale, iskana indhotira saxaafadda Ka baxsan Hargeysa.
Sidaa darteed ayuu imikana afhayeenka madaxtooyadu wakhtigan safarka madaxweynuhu ku tegeyo koonfurta Suudaan soo ururiyey ku dhawaad 15 saxafi oo isku hayb iyo magaalo keli ah, kuwaas oo uu Afhayeenku rabo inay madaxweynaha ku wehelin doonaan safarkaasi uu ku baxayo,
Hadaba waxan madaxda sare ee xukuumadda iyo cid kasta oo jecel ictiraafka Somaliland u sheegeynaa in arrintani tahay mid ka hor imanaysa ictiraaf raadinta Qarannimada Somaliland iyo midnimada beelaha Somaliland, Waxaan soo jeedinaynaa haddii tallaabo laga qaadi waayo arrimahaasi Iyo talaabooynka ninkaasi, Aan xuquuqdayada saxafinnimo ka raadsan doonno ama kala xidhiidhi doonno meel kasta oo ay Soomaaliyi joogto .
Bayaankan ayaa waxa ku saxeexan,
Maxamed Cumar sheekh
Abokor Xasan Caafi ,
Cabdalle Cali Yuusuf
Maxamed C/laahi Xusen dabshid
Yuusuf Cabdi Cali (indho qurux)
Maxamed Nuur Bilibili
Maxamed Cawaale
C/fataax Axmed
Xasaan Ciise Raage
Hashim Sh.Cumar Good
Jirde Axmed Rooble
Jaabir Cali Cumar
Cali Aare
Maxamed Aaden (D-Adem)


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Suxufiyiinta G/Awdal Oo Soo Saaray Bayaan Ka Dhan Ah Afhayeenka Madaxtooyada, Xukuumadana U Tilmaamay Cadaalad darada Uu Wado "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback