Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda Hargeisa, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo Shacbiga Reer Somaliland,
iyo guud ahaanba bahda tacliinta sare oo uu Madaxweyuhu ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa PROF. MUUSE CABDI CILMI SAMATER oo ku geeriyooday Shil baabuur Maanta (11/07/2011).
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Dhamaanna Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Jaamacadda Hargeisa, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo Shacbiga Reer Somaliland, iyo guud ahaanba bahda tacliinta sare-na uu samir iyo iimaan ka siiyo MARXUUMKA.
IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN
_________________________________________________________
Tacsi: Maamulka, Macalimiinta Iyo Ardayda Jaamacada Eelo American Waxay Tacsi U Dirayaan Ehelkii iyo Qaraabadii Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa Prof. Muuse Cabdi Cilmi Samater Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur
Guddoomiyaha, Hormuudka kulliyadaha, Maamulka, Macalimiinta, iyo Ardayda Jaamacadda Eelo waxay tacsi u dirayaan: qoyska, ehelka, asxaabta, maamulka, macalimiinta, iyo ardayda Jaamacadda Hargaysa iyo guud ahaan bahda tacliinta sare ee dalka ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Prof. Muse Cabdi Cilmi Samater-Gudoomiyihii Jaamacadda Hargaysa oo maalinii shalay shil baabuur ku geeriyooday.
Waxaannu Marxuumka Ilaahay uga baryaynaa dambi-dhaaf buuxa iyo inuu janadiisa ugu deeqo; qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun !!!


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tacsi: Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa Prof. Muuse Cabdi Cilmi Samater Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Shalay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback