Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargaysa ku geeriyootay fanaanada Kinsi Xaaji Aaadan. Fanaanada Kinsi Xaaji Aadan waxay ahayd fanaan aad loo jecelyahay heesiheeda, waxaana fanka soo gashay Todobatamasydi.
Waxaa heesaha ay qaadi jirtay ee caanka ahaa, ka mid ahaa “Wajiyaal Is xasuusta” iyo heesti kale ee uu la qaadi jiray fanaanka Saciid Mire Xeydar “dhabta miyaan ku saaraa” .
Kinsi Xaaji Aadan muddo ayay xanuun u jiiftay isbitaal ku yaal Hargaysa, waxaana maanta lagu aasay khabuuro ku yaalo Duleedka Magalada Hargaysa.
Bilawgii todobaataneeyadii ayey Kinsi Xaaji Aadem ku biirtay fanka, iyadoo markii ugu horeysayna ka mid noqotay Ruwaayadaha ugu badana agtarad ka ahayd kooxdii ciidanka asluubta Soomaliyeed ee la odhan jiray Onkod.
Sidoo kalena waxay 1980-kii u wareegtay kooxdii hobolada Waaberi Hargeysa, iyadoo ka qayb qaadatay Rawaayado fara badan oo ka caan baxay gayiga Soomaliyeed, waxaanay noqotayba hormoodkii hobolada Waaberi.
Haddii aan wax ka xuso ruwaayadihii ay ka qayb-qaadatay waxaa ka mid ahaa:
- Waa Maadays addunyadu dadkuna way matalayaan ee uu lahaa Abwaan Sangub
- Masiibadu Adduunayada iyadaa u macalina ee uu curiyey Abwaan Xasan-ganey
- Abaalkuu raggu geystiyo Illawshiyo haween ee uu sameeyey Abwaan Jaamac-daad
Dhanka kalana waxay marxuumaddu ku jirtaa fanaaniinta Soomaalida kuwa ugu heesaha badan waxaana ka mida heesaheeda:
- Wejiyaal is xasuusta * Labo aan kala weecan
- Heesteedii ugu horeysay ee Imika dhudhubiye miyaan soo dhawaadaa oo uu ku weheliyey siciid Mire Xaydar
- Yuuflaa qabaw
- Ma boqreen Hadraawiba
- Lama hubo hal fooftaa inay caawa soo hoyan
- Hablow guurku waa dane dib u soo baraaruga
Run ahaantii fanaanadda lama soo koobi karo fankeeda balse intaasi ayaan idiin boobsiiyey kollay fankeeda si waafiya ayaanu idiinku soo gubdin doonaa. Igana raali ahaada anoo salaaddii Jimcu ku deg-degsan ayaan ka gaadhsiiyee.
Lughayanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Fanaanada Kinsi Xaaji Aadan Oo Maanta Ku Geeriyootay Hargeysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback