Anigaa Jeclaa Inaan Xilka u dhiibo Cirro iyo Waqaf laakiin labaduba xisbiga ma soo saari karaan
“Waxa dagaal gondahayga ka bilaabay niman xisbiga magac ku yeeshay oo aan wada abaal ku lahaa”..

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta kala hadlay taageereyaal haween iyo dhalinyaro u badanaa barxadda hore ee xarunta Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa. Waxaanu mar kale gaashaanka ku dhuftay go’aankii xilka ay kaga qaadeen Guddida fulinta ee xisbigaasi.

“Rag saaxiibaday ah oo aan wada abaal ku lahaa ayaa dagaal gondahayga ka bilaabay, waxaan aad uga xumahay in ragga arrintan wadaa ay yihiin dhammaantood raggii xisbigan magaca ku yeeshay. Waa raggii xisbiga darajada ku yeeshay waxa ugu horeeya ninkii u horeeyay ee aan ka sharaxay magaalada Hargeysa ee aan ka dhigay Maayar Ku xigeenka Hargeysa ee aan lahaa magaalada ha qurxiyo oo xisbigana wax ha u taro ayaa ugu horeeya dagaalka maanta waana nasiib darro,”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa ku xiga C/Raxmaan Cirro saaxiibkay oo aad ogtihiin dagaalka aan u galay inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan doonayay inuu dalkana hagaajiyo xisbigana wax u taro. Waxa kale oo kamid ah saaxiibkay Waqaf oo aad ogtihiin sidii sharafta looga qaaday markii Daahir Rayaale ka eryay wasiirnimadii Gaashaan-dhiga inta aan Alle ha u naxariistee Axmed Cabdi Siciid oo xisbiga ila aasaasay aan ku idhi is casil ayaan ka dhigay Waqaf Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday in xubnaha gudida fulinta ee shalay go’aanka soo saaray ay yihiin raggii sababay guuldaradii xisbigaasi kala kulmay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacay 26-kii Bishii June ee 2010-kii.

“Aniga waxa i doortay Shirweyne ee Guddi fulineed ima doorato xilna igama qaadi karto,maanta waxaan jeclaa inaan xisbiga ku wareejiyo qof aan ku nasto oo xisbiga guul gaadhsiiya illaa hadda iima muuqato ragii xisbiga guusha gaadhsiin lahaa, guusha ay sheegayaan aniga ayay igu taageeri lahaayeen midna cod muu keenin nimanka leh xisbigaanu la wareegaynaa.markaanu shirweynaha qabano cidii aanu u aragno inay daacad tahay oo ay xisbiga soo saarayso ayaanu taageeraynaa. Walaalayaal xisbiga baa’biin mayno Anigaa jecel inaanu C/Raxmaan Cirro iyo Waqaf u dhiibno xisbiga laakiin midna ma soo saarayo xisbiga.haddii ay soo saarayaan may aniga igu caawiyaan mise way i hagranayeen?,”ayuu tilmaamay.

Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay inuu maalinta bari qaban doono shirkii Golaha dhexe oo ka furmi doona magaalada Hargeysa

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xoghayaha xidhiidhka Gobolada ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Qabo, waxaanu sheegay in xubnihii shalay go’aanka soo saaray ay sifo sharci darro ah lacag xisbigu lahaa ugala baxeen bog xisaabeedka UCID.

Waxa kale oo uu sharci darro ku sifeeyay go’aankii xilka lagaga qaaday Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay heeso lagu amaanayo Faysal Cali waraabe oo ay ka mid ahayd hees la magac baxday “Faysal Raaca waa faynalkiiye”

Somaliland.Org