Gudoomiyihii hore ee UCID Giimbaar buu Noqday oo waa la bedelay”
Afartii nin ee xalay hadlayay waxaan leeyahay xisbigiinu wuu idin sugayaaye’e ha falaagoobina”..

 

Hargeysa-(Lug)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Ku xigeenka Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedo uu u soo jeediyay Gudoomiyihii hore ee xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe oo sharci darro ku tilmaamay sifihii xilka looga qaaday.

“Guddoomiyihii hore waa saaxiibkay oo toban sanadood ayaan la soo halgamayay oo caayi maayo, waxaan leeyahay lacagtii Burco laga bedelay waxa la yidhaahdaa Giimbaar, saaxiibkay Faysal Cali Waraabe-na waxa uu noqday Giimbaar oo waa la bedelay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo maanta ka hadlayay shir balaadhan oo Hoggaanka ku meel gaadhka ah ee xisbiga UCID ay ku qabteen Huteelka Guulleed ee Magaalada Hargeysa.

“Saaxiibkay waxa ka soo hadhay dhawr kalmadood waxaana ka soo hadhay Aniga…Aniga, saaxiibkay wuxuu leeyahay xisbiga waan iskaga tagi lahaaye’e cid aan ku aamino ayaan la’ahay dadka ila jooga oo dhami waa xashiish. Xataa Guddoomiyihii hore waxa uu leeyahay qarankan Somaliland la yidhaahdo cid aan ku aamino oo ka naxaysa oo joogtaaba ma jirto ayuu leeyahay waxaan u malaynayaa inay taasi qaranka meel ka dhac ku tahay.”

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu intaasi raaciyay “Saaxiibkay waxa uu shalay cambaareeyay Guddidii fulinta ee shirtay waxaanu u tagnay Guddoomiyaha anagoo ixtiraamayna waxaanu geynay qoraal aanu kaga codsanayno inuu qabto shirkii billaha ahaa ee Guddida fulinta ee xeerka ku qornaa. Waxa uu hadalkiisii ku bilaabay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ma aqoonsani, Guddoomiye Ku Xigeenada 2-aad iyo sadexaadna ma aqoonsani.”

“Maanta wuu hadlay ayaa la yidhi Faysal Cali oo wuxuu yidhi xisbiga anigaa iska leh xisbiguna waa xisbi reer Hargeysa ah. Waar miyaanu xisbigu ahayn xisbi qaran? Soo kuwan goboladii oo dhammi fadhiya. Waxaanu leenahay xisbiga UCID waa xisbi qaran.”

“Shirkii dhacay shalayto shir beeleed muu ahayn, wuxuu ahaa shir \guddi fulineed oo xisbimid qof soo abaabulay muu ahayn ee waa shirkii bilaha ahaa ee Guddida fulinta.Guddoomiyihii hore waxa uu shirkayagii ku sifeeyay inaanu nahay SSC. SSC waa reer Somaliland,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro .

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu ku dooday in go’aamadii ay shalay soo saareen ay yihiin Go’aamo sharci ah.

“Afartii nin ee xalay ka hadlayay TV-ga waxaanu leenahay xisbiga ayaad ka tirsan tihiin, cid idinka saartay ma jirtee idinku ha falaagoobina ee xisbigii wuu idin sugayaa,”ayuu yidhi C/Raxmaan Cirro.

Dhinaca kale, waxa kulankaasi ka hadlay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID Md. Aadan Mirre (Waqaf) oo ka hadlay shirkaasi ayaa si adag u difaacay Go’aankii Guddida fulinta.

“Go’aankii shalay ka soo baxay Guddida fulinta ee xisbiga UCID waa go’aan taariikhi ah oo ka turjumaya dareenka taageereyaasha waana go’aan badbaado u ahaa xisbiga.go’aankii xisbigu waxa kale oo uu hiil u ahaa dimuqraadiyada xisbiga dhexdiisa,”ayuu yidhi Md. Aadan Waqaf.

 

Somaliland.Org