wariye-hyena2.jpgSannadka u xisbiga Kulmiye hayey xukunka dalka, ayaa sidoo kale waxa lasoo dersay  caqabado ilaa imika  siday doonaysay ay waxba u wadi kari laadahay, kuwaasoo ay ka mid yihiin
dadkii ay usoo xushay maamulka dalka,  kana tirsanaa xisbiga xaakimka  wakhtigan oo badi la dhaliilay isla markaana qaarkood xilalkii laga qaaday isla markaana lagu beddelay kuwa taabacsanaa xisbulxaakimkii hore, taasina ay u muuqatay laba arrimood midkood .

Waa tan koowaade waxay shaqaalaha xilalka laga qaaday  mucaaraku u arkayeen inuusan kulmiye marka horeba haysanin dad u jajaban ama aqoon u leh xirfadaha looga baahnaa xilalka loo dhiibay, isla markaana kuwa udub ku faaneen inay weligoodba ka wanaagsanaayeen taageerayaasha kulmiye iyo tan labaad oo ah in dawladda cusubi saxaysay qalad ay magacawday masuuliyiintaasi, inkastoo qaarkood aqoon iyo waayo aragnimo u lahaayeen hawlaha loo magacaabay, hase yeeshee waxay indhobuuxin waayeen dadka  hoos imanayey xukunkooda taasina  ay ka mid ahayd uun nacaybka weli  laga dareemi karayo raggii hore uga tirsanaa dawladdii dhacday  ay u qabaan kuwa kala wareegay xukunka dalka .

Sannadkaa ayaa durba dawladda axmed siilaanyo kala baratay beelaha gobolada dalku siday ugu kala daacadsan yihiin iyo siday ugu mucaaradsanyihiin  xukuumadda, sannadkaa ayaa sidoo kale waxay xukuumadda Axmed Siilaanyo ku guuleystay inay nabad ka hirgeliso dhul ilaa aasaaskii Somaliland ay ka taagnaayeen xasiloonidarro, sida Ceelberdaale, iyadoo dhinaca kale isku dayday inay nabad ku demiso dagaalka kooxaha SSC-du ka wadaan bariga Somaliland una fidiso gogol nabadeed .

Sannadkaa ayaa sidoo kale la arkay sida masuulyiinta dawladdu ama wasiiradeedu u kala karti badan yihiin iyo sida ay ugu dhaqdhaqaaq badan yihiin danaha dalka .

Waxa sannadkaa si aad ah loo bartay wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi oo garoonada dalka qaar ka dhigay muraayad laga daawan karo muuqaalka dalka, kuwa kale oo xidhnaana uu u furay duulimaadyada sida kan Boorama oo kale hase yeeshee aad mooddo inuu xoogga saarayo garoonada Hargeysa iyo Berbera .

sannadkaa xukunka dalka ay haysay xukuumadda ayaa sidoo kale dalka la keenay lacag cusub oo shiulin Somaliland ah, taasoo qayb ka mid ah  gobolada Bari lagaga beddelay lacagtii giimbaarta  ahayd ee sanadaha badan ka socotay goboladaasi, waana tiir ka mid ah tiirarkii ay doorashada ku gashay xukuumaddani oo ay fulisay .

Ilaa intii xukunka dalka  ay qabatay waxa dawladda soo maray waxyaalo ka argagixiyey oo khuseeyey dhinaca  nabadgelyada, sida kooxihii ONLF ee kasoo degay gobolka Awdal iyagoo duulaan ku ah dalka deriska ah ee Itoobiya ,wax kale oo soo maray khilaaf ka dhashay cidda la siin doono qandaraaska isgaadhsiinta dhulka hoostiisa marta oo ilaa imika dood weyni ka taagan tahay inkastoo la sheegay in  qandaraaska arrintaasi la siiyey garab ka mid ah garabyada u loolamayey, waxa kale oo weli  xukuumadda horyaalla arrimo badan oo la dhaafaya sannadkii u horreeyey ee ay xukunka qabatay isla markaana laga yaabo inay sannadka kale dhammaadaan .

Arrimaha kale  ee ku guuleysatay xukuumadda cusubi sannadkaa ayaa waxa ka mid ah nidaamka loo samaynayo isgaadhsiinta dalka, loogana dhigi lahaa mid fure keliya laga xukumo, iyadoo dhinaca kalena guusha ugu weyn ee loo tirinayo xukuumaddani tahay biriish ay  ay dhisi kari weyday xukuumaddii hore, kuna yaalla Hargeysa kaasoo magacweyn usoo jiiday xukuumadda cusub bilihii ugu horreeyey, iyadoo dhinaca kalena xukuumaddu kui guuldarraystay inay maxkamad soo taagto siyaasiyiintii iyo masuulyiintii hore eedalka kuwaasoo lagu eedeeyey ama hantidhawrka guud ku eedeeyey inay lunsadeen malaayiin doolar intii ay xukunka hayeen .

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda ayaa weli waxa horyaalla mashaakil huursan oo khuseeya dhinaca xisbiyada furashadooda, golayaasha degaanka doorashooyinkooda iyo arrimo kale, marka la isbarbardhigo waxa ka lumay ee ay haleeli weyday iyo waxa ay haleeshay  ad mooddo in hawlaha ay qabatay ka badan yihiin inta ka baaqatay lagana yaabo inay sannadka  soo socda ay wax badan ku kordhiso  dalka haddi aanay iman wax ka baajiya oo ilaahay keeno.

 

Dhammaad

 


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama