Boorama-(Lug)-Xubno ka tirsan guddiga dhismaha maqaamka laga siyaarto sheekh Samarroon ee Boorama ayaa walaac ka muujiyey faragelin lagu hayo xaruntii maqaamkaasi la dumiyey sannadihii aan soo dhaafnay go’aanana laga soo saaray gacan kuhayntiisa iyo maamulkiisaba kaddib marki qayb ka mid ah culimaa’uddiinka Boorama isku dayeen inay maqaamkaasi ka dhisaan xarun lagu barto islaannimada.
Guddoomiyaha guddigaasi qaabilsan maqaamkaasi Xaaji Dayib Sheekh Muxumed ayna la socdeen Sheekh Daahir Jaamac Bahal iyo Sheekh Xasan Axmed oo ka tirsan isla guddigaasi goor ay ka yimaadeen saldhigga Booliska Boorama ayaa ii sheegay in qaar ka mid ah culimada diinta ee Boorama ay dhagax ku rogeen goobta maqaamkaasi, isla markaana ay doonayaan inay ka dhisaan wax kale taasina ay keenayso in maqaamkaasi mar kale ay iskaga hor yimaaddaan wadaadadada reer Boorama .
Xaaji Dayib oo arrintaasi ka halayaan waxa uu yidhi ‘waxaan eegga ka nimid saldhigga Booliska annagoo dawladda u sheegeynaa in meeshii la joojiyey dhismeheeda ee ahayd maqaamka sheekh Samarroon imika lagu rogay dhagax si loo dhisto, mana soconayso oo hore ayaa go’aan dawladdii hore iyo dawladdaniba ugasoo saartay in maqaamkaasi oo ah ah aasaarta islaamka aan laga beddeli karin ujeeddoyiinkiisa iyo siyaarooyinka Sheekh oo lagu qabto mooyee, waagii hore waxa la doonayey in meesha maqaamnkaasi ku yaallo annagoon laga dhiso meel wax lagu barto, hase yeeshee meeshaasi waa laga heshiiyey oo dhismihii maqaamkaasi lagu beddeli lahaa meel kale ayaa laga dhisay, lamana garanayo wax mar labaad soo kiciyey arrintii maqaamkaasi, iyadoon waxba naloo sheeginna la farageliyo.
Waxaan Booliska iyo dawladda hooseba u sheegnay in la joojiyo dhismaha laga wado maqaamkaasi , meelna lagaga dhicin heshiiskii dawladda eegga iyo tii horeba ku mamnuucday in dhismahaasi la joojiyo, maqaamkaasina loo daayo maqaamnimadiisa “.
Khilaafka soo laba kacleeyey ee maqaamkaasi ayaa dadweynaha Boorama iyo dawladdaba soo xusuusinaya xamaasaddii iyo iska horimaadkii saddex ama afar sano kudhawaad ka hor ka dhex dhacay wadaadada kala aaminsan madhabka diinta islaamka ee qaarkeed soo dhaweynayo siyaarooyinka awliyada iyo waalidiinta qaarna ay diidan yihiin Reer Boorama aakhirataankiina xukuumaddii hore iyo maamulkii gobolka ee waagaasi kala dhexgaleen.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Khilaaf Mar Kale Kasoo Cusboonaaday Maqaamka Sheekh Samarroon Ee Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback