Boorama-Lug)-Kulan laba geesood ah oo ay wada yeesheen Masuuliyiinta Somaliland iyo Djibouti ee dhinaca xadka ayaa waxa uu ka dhacay magaalda Lawyacado. sidan waxa shabakada wararka ee Lughayanews u xaqiiyiyay Maayar ku xigeenka deg. Saylac Mudane Cismaan Muumin Caare waxana uu tilmaamay in kolankan ay dhinaca Somaliland goobjoog u ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka G/Salal Mud. Cali Allaale Maayar Ku Xigeenka Saylac Mud. Cismaan Muumin Caare iyo saraakiil ka socotay waaxda Socdaalka ee Somaliland isla markaana ay dhinaca Djibouti ka yimaadeen taliyaha ciidankailaalada xadka,

Waxa kale oo uu masuulkani intaas kudaray in kulankan lagaga wada hadalay sidii loo fududayn lahaa isku socodka maadaama oo lagu gudo jiro waqti uu dhulku aad u kulul  yahay isla markaana la isaga kaashan lahaa xakamaynta tahriibayaasha iyo ilaalinta nabadgalyada ee dhinaca isku socodka labada dal.

Masuulkani waxa kale oo uu qiray in ay maalmo dhawayd jireen dhimasho tahriibayaal Itoobiyaan ah oo isga gooshayaya xadka labada dal si shrci daro ah, waxana uu ku tilmaamay kulankan inuu yahay mid daba socday kulankii heer wasiir ee dhawaan ka dhacay dalka Djibouti.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama