Boorama-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii ugu horreysay tan iyo intii loo dhaariyey xilka madaxweynimada booqasho ku yimi magaalada Boorama, isla markaana ka qaybgalay xaflad loo qabtay arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud .
Booqshada Siilaanyo oo la ogaaday goor dambe oo xalay ah ayaa waxa soo dhaweyntiisa lagaga hortegey tuulada Gorayacawl isagoo ay gelbinayeen boqolaal gaadiid yaryar ah iyo kuwa ciidamada kala duwan ee qaraanku ku ilaalinayeen, waxana madaxweynaha gobolka kusoo dhaweeyey k/s badhsaabka gobolka Cabfdi Nuur Sugaal, K/s maayarka Boorama Muumin Gadiid iyo xubno ka tirsan golayaasha wasiirada oo horeba usii joogay Boorama iyo kuwa Hargeysa kasoo raacayba, xubnahan oo ay ka mid ahaayeen k/s wasiirka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiirka dibudejinta C/risaaq Cali Cusmaan oo iyagu horeba Boorama ugu sugnaa .
Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan , wasiirka Beeraha Faarax Cilmi, wasiirka hawlaha Guud Ismaaciil Muumin Aare, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo sarakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda .
Wafdiga ayaa markii ay soo gaadheen waxay markiiba u gudbeen Xarunta Jaamacadda Cammuud, iyadoo dhinaca kalena ammaanka jidka madaxweynuhu kusoo safray aad loo adkeeyey isla markaana ciidamada qaranku isku xidhiidhsanayeen dhulka uu marayey.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa jaamacadda cammuud kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha jaamacadda Cammuud Prof .Suleemaan Axmed Guuleed, boqolaal ka mid ah ardayda jamacadda Cammuud, macalimiin, shaqaale iyo dadweyne lug kusoo gaadhay xaruntaasi, inta badana xiisaynayey aragtida madaxweynaha .
Ardayda ka qalinjabinaysay jaamacadda oo tiradoodu dhamayd 192 arday, ayaa waxa xafladdii loogu Qabtay hoolka jaamacaddaasi ka hadlay masuulyiinta jaamacadda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha jaamacadda, masuuliyiinta gobolka iyo degmada Boorama, wasiirro , aqoonyahanno iyo martisharaf kale kuwaasoao dhammaanatood madaxweynaha uga mahadceliyey ka qaybgalkiisa xafladda lagu qabanyey xarunta uu madaxweynaha Somaliland ka ahaa arday ka mid ah ardaydii ka aflaxday dugsigii sare ee Cammuud .
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa ka sheekeeyey arrimo badan misla markaana masuuliyiinta jaamacadda iyo guud ahaanba dadweynaha gobolka ku ammaanay dedaalka ay kor ugu qaadeen qiimaha jaamacaddaasi, isagoo dhinaca kalena madaxweynuhu wax ka tataabtay qorshayaasha horumarineed, dhibaatooyinka jira iyo siyaasadda xukuumadda
Madaxweynaha ayaa sidoa kale reer Boorama uga mahadceliyey soo dhaweynta weyn ee ku qaabileen, madaxweynaha ayaa sidoo kale ardayda ku guubaabiyey inay sii wataan Waxbarashada, dawladduna ninkastoo aanay ictiraaf helin wixii itaalkeeda ah aanay waxba ka hagran doonin.
Kaddib madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyey Hutel Rays ayaa waxa uu halkaa kula kulmay tobanaan ka mid ah cuqaasha iyo salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Awdal , kuwaasoo khudbado ay kaga hadlayeen taageerada ay xukuumadda u hayaan , shirbeeleedyada iyo codsiyo ay xukuumadda iyo madaxweynahaba u jeediyeen .
Saladiintii halkaa ka hadashay ayaa waxa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo sheegay inuu madaxweynuhu arkay xaqiiqada ka jirta Boorama, nabadgelyada iyo niyadwanaagga ay u hayaan xukuumadda, isagoo dhinaca kale ku ballanqaaday inay reer Awdal taageeri doonaan xukuumadda .
Suldaan C/Raxman J.Dhawal oo isna halkaa ka hadlay ayaa madaxweynaha u sheegay in shirbeeleedkii ay beesha uu suldaanka u yahay ku qabsatay xeego aanu ahayn mid lahaa ujeeddo siyaasadeed isla markaana beeshu kaga wadahadlaysay arrimo dhaqan oo keliya .
Suldaan Ibraahim Xaaji Siciid oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in gobolka Awdal ahaa kii lagu dhisay Somaliland, una duceeyeen inay Somaliland qarannimadeedu jirto, isagoo dhinaca kalena suldaanku sheegay inaysan wax buuran ku lahayn mansabyada xukuumadda , hase yeeshee aanay taasi waxba u dhimi doonin taageerada xukuumadda .
Sh.C/Laahi Sheikh Cali Jawhar oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa madaxweynaha ku ammaanay booqashada uu ugu yimid iyo sida uu u qaddarinayo gobolka.
Guud ahaan culimadii iyo Salaadiintii halkaa ka hadashay ayaa mid kastaaba madaxweynaha kula dardaarmayey inuu wax kala qabto jidka tobanka kiiloomitir ah ee u dhexeeya Dila iyo Boorama, taasoo madaxweynuhuna ku celceliyey inaysan xukuumaddiisu waxba kala hadhi doonin taageerada dhismaha jidkaasi .
Jawiga magaalada lagu soo dhaweeyey madaxweynaha ayaa ahaa mid aad iyo aad u sareeya, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa galabnimadii maanta kasoo baqoolay Boorama unasoo kacay dhinaca caasimadda.
Wariye:-
Maxamed CumarSh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxweynaha Somaliland Oo Boorama Lagu Soo Dhaweeyey, Kuna Soo Afjaray Hal Sano Oo Uu Xilka Hayey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback