Waa hubaal inaan ku nool nahad duni dabiici ah oo aad u qurxoon oo aan qaabka eebe u abuuray aanan qalin lagu soo koobi karin, meelaha quruxda badan ee jira ee ay dadbadani ku hamiyaan inay booqdaan waa qaar ku baahsan dunida.
Bal u fiirso goobahan hoose, waa hubaal inaad hoosta ka xariiqi doonto quruxda dabiiciga ah iyo mida dad sameega ah ee ay leeyihiin, waana qayb yar oo kaliya oo ka mid ah goobaha ugu quruxda badan aduunka.
Waxa hore loo yidhi ” Quruxdu waa indhaha qofka wax eegaya” sidaas aawadeed waxa jiri kara goobo kale oo ka qurxoon kuwan ay Lughayanews soo xushay oo adiga si gaar ah kuu taaban kara, sidaas aawadeed muran kama taagna inay jiri karaan goobo kale oo akhriste kaala qurxoon balse kuwani waa xulashadii Lughayanews waxana ay kala yihiin goobahaasi:-
1. Grand Canyon, Oo Ku Taala Cariga Maraykanka
Goobtan oo ku taala degaanka Colorado River, Arizona ee Maraykanka waa goob indhaha aad u soo jiidata isla markaana uu ka muuqdo deegaan dabiici ah. dherekeedu waa 277, dhexroorkeeduna waa 4 ilaa 18 miles. Saynisyahanadu waxa ay aaminsan yihiin in aamin san yihiin in ay gabiyadani ka samaysmeen wabiga Colorado in ka badan lix milyan oo sano mudo haatan laga joogo.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
2. Jasiirada Shacaabida Badda Ah Ee Cariga Australia
Waxa ay ka mid tahay jasiiradaha qurixda dabiiciga ah leh ee ka samaysan Shacaaabida Bada ee ku yaala Australia , waxa loo aqoonsaday inay tahay Jasiirada ugu balaadhan ee ka samaysan Shacaabida Bada ee dinida guudkeeda jirta, waxana ku nool xayawaano aad u badan oo ka sii dabargo’aya dunida isla markaana waa goobaha ugu caansan ee loo dalxiiska tago.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
3. Magaalada Cape Town, Ee Dalka Koonfurta Africa
Waxa marar badan loogu yeedhaa Janadii Ifka, magaaldan aadka u qurxoon ee ku taala dalka Koonfurta Africa, waxa ay leedahay wadooyin yaryar oo ay buuro ku wareegsan yihiin, taasi oo qofka soobooqda raad wayn ku reebta isla markaana uu aad ula yaabo sida dhagaxda buuraha ee dabiiciga ahi ay isku dul saar-saaran yihiin.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
4. Qalcada Taj Mahal Ee Dalka Hindiya
Waa dhisme qalcad ah oo ilaa hada aa loola yaaban yahay sidii loo dhisay, waxa dhisay boqorkii la odhan jiray Shah Jahan ee u talin jiray boqortooyadii muslinka ahayd ee Mughal oo ugu talo galay inuu ku xasuuqto boqorad aad ugu waynayd oo la oran jiray Mumtaz Mahal.Qalcadan Taj Mahal waxa ay maanta ka tirsan tahay deegaanka Agra, waxana ay ka samays-an tahay dhagax cadcad oo astaan u ah heerka dhismaha iyo naqshadaha ay taagnayd boqortooyadii Mughal ee India. Waxana ay qaadatay dhismaheedu mudo 20 sano ah, waxana dhagaxda lagu dhisay laga soo guray Iran, Ciraaq iyo qaybo ka mid ah badhtamaha Aasiya.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
5. Canadian Rockies Ee Dalka Kanada
Waa goobaha ugu qurxoon ee dalka Kanada waxa ay ku yaalaan waqooyiga kanada waxa aad kuu soo jiidanaya Buuraha waawayn ee barafka ah iyo kaymaha uu looxa ugu badan aduunku ka soo boxo ee uu dalkaasi iibgeeyo. Dawlada kanada waxa way ka samaysay deegaankan 5 goobood oo seerayaal waawayn ah oo ay dad aad u badani u dalxiis tagaan waxana ay dalxiisayaashu inta badan waqtigooda ku lumiyaan korida buuraha iyo ku ciyaarida barafka.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
6. Qalcada Machu Picchu Ee Dalka Peru
Qalcadan Machu Picchu waxa loogu yeedhaa Jiiqa Gaboobay ” Old Peak” waxana ay ka mid tahay meelaha ugu yaabka badan leh ee la xuso sidii ay u sameeyeen boqortooyooyinkii hore, waxa kale oo xusid mudan in goobtan ay ahaan jirtay goob barkaysan oo ay dadku si gaar ah u siyaartaan. 2000 oo feet ayay goobtan ka saraysaa wabiga Urubamba ee dalka Peru waxana ay ku caan tahay wadiiqooyinka yaryar ee ay biyaha roobku maraaan ee ku hoora wabiga, waxa kale oo yaab leh oo ka dhisan 150 guri oo aad u qurxoon.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
7. Buuraha Ahraamta Ee Dalka Masar
Buurahan waa dad samee la yaab leh oo ka dhisan dhagax isku sar go’an oo sidex geesle ah kuwaas oo is dulyaala ilaa xaga u saraysa, ilaa maantana waa lala yaaban yahay sida cajiibka ah ee loo dhisay. waxa la aamin san yahay in Faraaciintii hore ay dhismaha buurahan Ahraamta bilaabeen 2700 B.C. Buurahan Ahraamta mida ugu wayn uguna caansan waxa la yidhaa GIZA waxana la rumaysan yahay in dhismaheedu uu qaatay mudo 23 sano ah, waxana dhismaheeda ka qayb qaatay shaqale kor u dhaafaya.Waxana la rumaysan yahay in dalka masr ay ku yaalaan 118 buurood oo nooca loo yaqaan Ahraamta ah.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
8. Qalcada Petra Ee Dalka Jordan
Waxa ay hayada UNESCO u aqoonsatay qalcadan inay tahay xudunta dhaqanka qadiimka ah ee maanta dunidan jira, Qalcada Perta waa dad samee ku taala daadaga Buurta Hor ee dalkaas Urdun. Qalcadan waxa ay ahayd mid aan la daah furin wixii ka horeeyay sanadkii 1812 waxana daah furay sahmiyayaal u dhashay dalka Swizerland. waxana qariyay dhul gariiro isga daba xigay oo ku dhuftay degaankaasi.
Source: Wikipedia, the free encyclopedia
9. Darbiga Wayn Ee Shiinaha
darbigan waxa uu ka mid yahay 7da mucjiso ee dunida, waa dad samee la rumaysan yahay inuu dhismahiisu qaatay mudo ka badan 100 oo sano, waxana uu dhismahani daahfuray awooda uu aadamuhu u leeyahay inuu hindise la yimaado.
Dhismaha darbigan waxa la bilaabay qarnigii 5aad B., ma aha hal darbi waxase uu ka kooban yhay dariyo badan oo isku xidhiidhsan, waxana uu dhererkiisu dhan yahay 4000 oo mile., waxana dhistay boqortooyadii shiinaha ee la oran jiray Xiongnu ee waqooyioga Shiinaha, waxana naxdin leh in mudadii uu dhismaha darbigan socday ay ku dhinteen 2-3 milyan oo dad shiine ah.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
10. Biyo Dhaca Iguazu Ee Xadka U Dhaxeeya Dalalka Argentina-Brazil
Goobani wa abiyo dhaca ugu quruxda badan aduunka waana deegaan dabiici ah oo Eeebe uu ku manaystay qurux aan la qiyaasi karin, waxa ay ku taalaa xadka u dhaxeeya labada dal ee Argantiin iyo Brazil. waxa ay goobtan caan ku tahay dalxiiska waxana inta badan goobo Seeeroyaal ah ka sameeyay dalka Arganina oo uu dakhli badani ka soo galaa dalxiisayaasha taga halkaasi.

Source: Wikipedia, the free encyclopedia
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madadaalada Maanta: Ka Bogo 10ka Goobood Ee Dunida Ugu Quruxda Badan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback