Boorama-(Lug)- Wasiirka Diinta Iyo Cuqaafta S/land ayaa waxuu kulan la yeeshay culimaa’udiin, odaydhaqameed, imaamyada masaajidada, maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Boorama,

kulankan ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii looga arrinsan lahaa fulinta waajibaadka bisha ramadaan iyo ka fogaashaha waxyaabaha ka reeban bisha ramadaan.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay isuduwaha gobolka ee wasaarada diinta iyo awqaafta gobolka Awdal, badhasaabka ku xigeenka gobolka, maayarka Boorama, dhamaantoodba waxa ay ka hadleen ahmiyada ay leedahay bisha ramadaan.

 

Saacadaha soo socda ka daawo video- kulanka shabakada wararka ee Lughayanews-

 

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama