says-boorama-1.JPGBoorama-(Lug)-Kulan aad u muhiim ah oo maanta lagu qabtay xafiiska Ururka SAYS ee magaalada Boorama isla markaan ay ka soo qayb galeen daneeyayaasha mashaariicda ku wajahan caruurta agoonta ah ee ay dhinaca dugsiyada ka taageeraan Ururkaasi SAYS iyo hayada Handicap International ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulyayaasha dugsiyo sideed ah iyo waalidiinta ardaydaasi agoomaha ah.

says-boorama-3.JPG

kulankan ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay Agaasimaha ururka SAYS Mud. Nuur Aadan Shirdoon waxana uu sheegay in kulankani uu aad ugu muhiim yahay ka soo qaybgalayaasha sidii looga arinsan lahaa heerka aqoonta ee ardaydan isla markaana loo lafa guri lahaa in meel la iska taago taageerada ardaydaasi yaryar.

says-boorama-1.JPG

Agaasime Nuur waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in mashruucan taageerida dhinaca waxbarashada ee agoomaha ay iska kaashadaan hayada HI iyo ururka SAYS isla markaana loogu talo galay in laga taageero caruurta yaryar ee agoomaha ah ee ay waalidkood u geeriyoodeen cudurka HIV/AIDS isla markaana aanan helin fursado waxbarasho. Agaasime Nuur isaga oo la dardaarmaya Waalidiinta ka masuulka ah caruurtan iyo maamulayaasha dugsiyada waxa uu yidhi ” Waa lagama maarmaan in gacmaha la is qabsado isla markaana meel looga soo wada jeesto sidii caruurtaas yaryar ee agoomaha ah loo taam yeeli lahaa hanaankooda waxbarasho iyada oo la muujinayo muwaaadinomo dhab ah oo aan lagu halaynayn mashruuc, hayad iyo urur gaar ah”

says-boorama-2.JPG

kulankan ayaa waxa kale oo ka hadlay qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada waxana ay xuseen in ay ardayda ay gacanta ku hayaan ay yihiin kuwo ilaa hada ay waxbarashadoodu aad u wanaagsan tahay isla markaana ay lagama maarmaan tahay in waalidka ka masuulka ah ardaydaas ay xidhiidho joogto ah la yeeshaan dugsiyada si loo adkeeyo wababarashada ardayda.

says-boorama-5.JPG

Isuduwaha Xafiiska SOLNAC ee gobolka Awdal Cabdiqaadir Shaashka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay uruka SAYS hawsha balaadhan ee bini’aadanimo ee uu gacanta ku hayo.

says-boorama-4.JPG

Si kastaba ha ahaatee ururka wadaniga ah ee SAYS ayaa waxa uu yahay ururrada ugu waawayn magaalada Boorama ee wax ka qabta dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, deegaanka, kobcinta dhinaca maamulka ee hawaanka iyo wacyigalinta bulshada ee dhinaca caadooyinka xunxun iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS.

says-boorama-6.JPG

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama