xeegologo.jpgWaraaq dheer oo jaaliyadaha reer Adal ee SAG (Selel, Awdal, Galbeedka Gebilay) soo gaadhsiiyeen shabakada Lughaya ayaa qeexaysa in jaaliyadu taageersan tahay qodobkii kasoo baxay shirkii beelaha Habar Cafaan, Samaron ee ku waajahnaa dib u eegista wixii laga yeeli lahaa in Boqor, Amiir, ama Suldan la doorto hogaamiya beel waynta sadexda wadan degan ee Samaron/Gadabursi.

Waraaqdan dheer oo qodobo iyo magaac badani ku saxeexnaayeen ayaa shabakada Lughaya go’aansatay in lasii daayo qormadan gaaban ee ku wajahan qodobka khuseeya dib u eegista hogaan beelaha Samaron yeeshaan ama daraasad ku sameeyaan wixii ama habkii loo waajihi lahaa arintan Xeego kasoo yeedhay.

Waraaqdu waxay sheegaysay in beel wayntu u baahan tahay isku soo dhawaansho hor leh oo lagaga gudbo qarniyada soo socda iyadoo si dhab ah oo daacad ah la’isku calool xaadhanayo; meelna looga soo wadajeesanayo horumarka dalka iyo wixii u dan ah bulsho waynta iyadoo meesha laga saarayo dan shaqsi, shaqsi jeclaysi ama shaqsi nacayb.

Danta beelaha Adal ayaa ka horaysa dan kasta; cadowga beeshuna waa khilaaf iyo wadatashi la’aan in arintaasna lasoo afjaro sida ugu dhakhso badan hadii eebe idmo.

Jaaliyada Reer ADAL ee ku Dhaqan Waqooyiga Maraykan

Xamse Cabdi Axmed – Afhayeenka SAG ee Waqooyiga Maraykan (Selel, Awdal, Gebilay -SAG North America)