revolution.jpgBORAME - Afar xildhibaan oo kala ah Axmed Obsiye, Axmed Madar, Axmed Yassin, iyo Abiib Good ayaa shacab iskugu jira odaydhaqameedyo, indheer garad, aqoon yahan, dhalinyar iyo saxaafada la kulmay bishan sideedaad horaadkeedii waxayna afkooda ka sheegeen inay waxoogaa soo daheen iyaagoo ku andacooday inay ka qaldantay inay imika socdaan oo doorashooyin inagu soo fool leeyihiin taasna loo fahmayo dibnoosoo doorta shacabkow idinkoo “non foows” nagu siinaya doorashada danbe.

Nuxurka hadalkooda waxa hadheeyey maqnaanshahooga oo aan shacabku garanaynba meel looga bilaabo iyo halka ay ka taagan yihiin arimo badan oo shacabka Adal soo foodsaaray oo hogaanka dhaqanku la galgalanayey mudadaa ay Hargeysa fadhiyeen.

Hadaba xildhibaanadu waa siday hadalka u dhigeene “waa buundada isku xidha shacabka iyo xukuumada” - buundadaasina way go’nayd mudo dheer. Ilaa imikana xitaa dhawrka xildhibaan ee kale ee wali aan shacabka soo horfadhiisan wali waa looga fadhiyaa waxay isku soo sharaxi doonaan wareegan soo socda.

Yaa shacabka u hadla oo kolba waxa soo kordha shacabka ka furdaamiya? Xildhibaanada iyo siyaasigu waa isku mabda’a. marka hore marka ay kursiga u ordayaan shacabka ay taageerada maaliyadeed ama codka ka rabaan waa isku aragti marka ay Hargeysa tagaana ee ay ku guulaystaan ujeedadooda qaar ma soo noqdaan - qaarna shacabkii shalay u ordaayey ayey la yaabaan marka ay kala hadlaan arimo shallay labadoodaba muhiim u ahaa.

Dahir Rayale maalintii uu Hargeysa tegay ayaa inoogu danbaysay; waxqabad kaliya oo lagu xasuusto ma jirto - kaliya markii codka laga helay ayuu iska tegay. Cabdiraxman Saylici waa hogaamiye ay daacadnimo badani ka muuqato. Taariikhduna way qiri waxa uu qabto isagoo awood ahaan ah madaxwayne ku xigeen hadana nin walba kursiga uu ku fadhiyo iyo waxa uu qaban karo ayaa la’isku miisaami. Inuu Rayale dhaami doono iyo in reer Adal ka aradnaan doonaan waxqabadka xukuumadaha Hargeysa isku badbadalaysa.

Dhinaca siyaasiyiinta miisaanka fudud: kuwa aan awooda badan lahayn ayaa ugu waxyeelo badan iska daa inay wax qabtaane. Hadaba waa kaalinta ay hogaan dhaqameedku buuxiyeen; taasi oo ah. Siyaasigu wuxuu u baqayaa jeebkiisa waayo mushaaro ayuu qaataa taasina waxay keenaysaa inuu iloobo ujeedada uu 1000 dollar ku qaato. Halka uu hogaan dhaqameedku uu awood u leeyahay inuu sheego wixii khaldan oo ay ahayd in siyaasigan magaca qabiil Hargeysa ku joogaa uu warbaahinta, sare iyo hoosba u sheego wixii khaldan ee shacabka ay matalayaani tabanayaan.

Odaydhaqameedka waxa hawsha la qaybsan kara aqoonyahanka aamusan. Hogaanka dhaqan waa in uu noqdaa guurti goboleed uu gobolkastaa yeesho oo u hadla shacabka oo isku xidha xildhibaanada, siyaasiyiinta, dawlada dhexe ku jira iyo dhaliyarta iyo aqoonyahanka dalka oo gobolku maalgaliyo. Aqoonyahanku waa inuu noqdaa xildhibaan goboleed aan lacag qaadan halka ay oday dhaqameedyadu ka noqonayaan guurti goboleed mushaaro qaata oo xeerarka dejiya wixii soo kordhana ka dooda. Reer Adal waa aabaha aqoonta Somaliland way bilaabi karaan talaabadan:

Somaliland waa in ay noqotaa nidaam fedaraali ah oo gobolwalba leeyahay xildhibaano (Aqoonyahan) iyo guurti (oday dhaqameedyo) halka imika ahaan laga leeyahay gole degaan oo kaliya oo siyaasad ahaan ka duwan qaab dhismeedka aduunwaynaha aan kaga dayano dimuqraadiyada. Iyadoo la isticmaalayo shantii gobol ee Somaliland la curatay ee Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sool, iyo Sanaag lagana dhigayo sadex maamul goboleed oo kala ah Galbeedka (Awdal), Badhtamaha (W/Galbeed, iyo Togdheer), iyo Bariga (Sool iyo Sanaag). Xuduudaha goboladuna waa muqadas - lama taabtaan.

Hadaba hogaanka dhaqanka Adal (Awdal, Selel, Galbeedka Gabiley) markuu Guurti isku badalo wuxuu yeelan awood buuxda oo siyaasada la jaanqaadaysa isagoo lagu heshiin doono inuu noqdo dhaxaltooyo oo qofku dhaxlo ama meerto oo kolba qof u qalma loo doorto hogaanka sidii ay dad badani ka dhawaajiyeen.

Guurti goboleedku waa jawaab la’aanta Hargeysa ee saami qaybsigii laga rabay oo wali wax jawaab ah laga hayn. Waana sobobta keentay in beesha dhexe oday dhaqameedyadoodu intooda badan ay mushaaro Guurti ka qaataan xukuumada dhexe oo reer Adal-na ay ka aradan yihiin. Waana sobobta aan hogaanka dhaqanka beesha dhexe looga maqal khilaaf. Imika ahaan hogaanka dhaqanka ee Adal wax aan hawl ahayn kama faa’iidaan xilkan hogaan ee siigada badan kicinaya baryahan danbe. Hadana waa kalgacayl iyo rajo ay ka qabaan shacabka ay rabaan inay ka dulqaadaan dhibka. Hogaanka dhaqanku waa xubinta xalaasha iyo daacada ah ee hogaan oo dhan u ka hawl gala ADAL ee aan u fadhiyin inay hanti ka korodhsadaan halka ay siyaasiyiinta qaarkood ay ku walfeen dantooda iyo khilaaf abuurka bulshada si ay danahooda u gaadhaan.

Hadaba kaalinta aqoonyahanku waa sida kaalinta saxaafada. Wixii sax ah waa sax - wixii qalad ahina waa qalad. Jiilalka danbe waa in ay yeeshaan dastuur cad oo siyaasiga laba jeeblaynaya lagula dhaqmo, hogaanka dhaqan ee culayska badani saaran yahay lagaga dulqaado culayska oo uu yeesho awood dhaqaale iyo mid xeer oo lagu soo doorto, ama lagu caleemo saaro; aqoonyahankuna waa inuu isku dubarida xeerarka loo baahan yahay ee awdaya god-daloolada tafaraaraqa aan loo baahnayn keenaya ee shacabka sii kala fogaynaya ee hiilka siyaasiga aan waxba ku filnayn uu sobobay.

Gabagabo: Midnimada shacabku waa mid lama huraan ah. Xildhibaanadu waxay matalaan shacabka waa in ay gartaan kaalintooda iyo hawsha u taala. Tafaraaraqa ay siyaasadu keentay ayaa wiiqay hab dhaqankii iyo isku duubnidii shacabka guud ahaan. Siyaasigu qaacidada uu dajiyey ee ah kala qaybinta shacabka ee la moodayo inuu bari waxtarayo - la sheekayso marka uu kursiga u ordayo oo waydii qadiyadaha qaar wuxuu ka aaminsan yahay. Hadana mar labaad la sheekayso markuu soo baxo oo waydii isla qadiyadihii aad ka wada hadasheen shalay markuu dibada xukuumada ka fadhiyey; isku mawqif kama noqonaysaan arimo muhiim u ah bulshada badankeeda - waayo maanta kuuma baahna! Hogaanka dhaqan culayka ha’laga daayo oo arin ha’lagu heshiiyo ay shacabka ay ka naxayaan wax ugu qabtaan. Aqoonyahankuna ha qaato kaalintiisa hogaan ayuuna noqon daawade e oo ha garab istaago doondoonka ay oday dhaqameedku ku jiraan sidii ay shacabka ugu hiilin lahaayeen iyagoo haysta xeer cad iyo awood dhaqaale.

Siyaasi: Waa shaqsi inta badan aan shacabku soo dooran oo hadana kaalin muhiim ah xukuumada ka haya sida “Cabinet minister” Intooda badani waa shaqsiyaad marba raaca wadada ay dantoodu ku jirto qaarna waa daacad.

Xildhibaanku: waa siyaasi laakiin shacabka ayaa si toos ah usoo doortay waana shaqsiga laga sugayo inuu ku hadla afka shacabka

Oday dhaqameedku: waa hogaan dhaqan oo casri isku badalaya oo hugun badan kiciyey inuu noqdo meerto iyo inuu noqdo dhaxaltooyo; waana hogaanka aan wax hanti ah ka faa’iidin hawsha uu shacabka u hayo hadana aan ka daalin u adeega bulshada.

Diirada Lughaya.com