DJIBOUTI - War uu warinayo wakaalada wararka ee Associtaed Press (AP) ayaa sheegaya in xukuumada Jabuuti caalamka ka codsatay in shacabkeeda 20 % u baahan yihiin caawin degdeg ah abaaraha geeska Afrika saameeyey awgood. Waxa kale oo AP sheegtay in dalka Jabuuti ku sugan yihiin 17000 oo qaxooti Soomaali ahi dadkaasina ay culayska kusii badniyaan dalka Jabuuti.

Madaxwayne Ismacil Cumer Geele ayaa booqasho ku tegay dalka Soomaaliya oo wakhtigan ku jira abaaro aad u daran iyo colaado 20 jirsaday. Inakstoo shacabka Muqdisho ay ka yara neefsadeen jabhadii argagixisada ee Al-Shabaab oo ka baxday magaalada Xamar. Shacabka Soomaalida ah ee caawinta u baahan waxa lagu qiyaasay 7.5 Malyuun oo qof.

Shacabka Jabuuti ee caawinta u baahan waxa lagu qiyaasay 165,264 qof oo ku sugan xuduuda Itoobiya iyo xerada qaxootiga Cali Cado - 17000 oo qof ku dhawaad ayaa Soomaliya kasoo qaxay ayey wararku sheegayaan.  Dalka Itoobiya waxa ku gaajaysan 4.8 Milyan, Kenyana 3.8 Milyan oo qof.

Hadaba arintan abaaraha ee dalka Jabuuti ka cabanayso ayaan kasoo yeedhin afka xukuumada Geele laakiin ay warinayso wakaalada wararka ee AP.

Hadii Computerkaagu leeyahay Flash Player sawirkan hoose riix meesha ay ku qoran tahay “Situation Report” oo dal walba inta qof ee ku gaajaysan - riix Jabuuti waxaad arki tirada AP warinayso iyo halka ay kala joogaan oo khad bunni madow marsan:

Hadii kale halkan Riix-CBS

(CBS News)

Lughaya News - Djibouti Office