HARGEYSA - Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Dr. Mohamed Abdi Gaboose ayaa xilkii uu u hayey xukuumada Axmed Maxamed Maxamud Silanyo maanta iska casilay isagoo warbaahinta u sheegay inuu rabo inuu furto urur siyaasadeed oo u ordo doorsahada madaxwayne oo ku beegan mudo afar sano ka badan. Dr. Gaboose ayaa ka mid ahaa sadexdii shaqsi ee ururka Qaran mudo 4 bilood ku dhow u xidhnaa furashadiisa oo in sharci daro ah loo aasaasay ay ku tilmaamtay xukumadii madaxwayne Dahir Rayale Kaahin hase ahaate xeerka cusub ee xukuumada Silanyo saxeexday ayaa sheegaya in ururada la furan karo oo lacag 20, 000 dollar ah la dhigayo halkii ay ka ahaan jirtay 600 oo dollar.
Dr. Gaboose oo dhaqaaqiisan lagu tilmaamay mid uu mudaba ka fikirayey ayaa laga yaabaa inay horseedo tartanka furashada ururada cusub oo la filayo in uu marka hore qaato wajiyo farabadan oo keenaya furasho aan xad lahayn inkastoo lacagta lagu xujeeyey ay dad badan xidhi doonto oo sidaasna xukuumada, iyo baarlamanku ugu talo galeen - in qofkii si buuxda diyaar ugu ah furashadu uu furto xisbiga oo arinta furashadu noqon jufo-jufo.
Lughaya.Com Hargeysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dr. Gaboose - Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Ayaa Xilkii Iska Casilay si uu Urur Siyaasadeed u Furto "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback