HARGEYSA - Wakaalada wararka ee Reuters ayaa warinaysa in heshiiskii sadex geesoodkii ee dalalka China, Ethiopia, iyo Somaliland uu dalka Shiinaha u saxeexay maalqabeen Shiine ahi.

Wakaaladu waxay sheegtay in madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Silanyo warbaahinta u sheegay khamiistii markuu soo noqday in heshiiska uu la saxeexday maal qabeen Shiine ah oo uu kula kulmay HongKong oo uu maalqabeenku khibrad u leeyahay horumarinta dhismayaasha ee wadamada soo koraya - sidoo kale madaxwaynuhu wuxuu halkaa kula kulmay raisal wasaaraha xukuumada Itoobiya Meles Senawi socdaalkiisii 14-ka habeen qaatay.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay inuu dhawaan soo gudbi doono sida loo maalgalinayo mashruucan. Mashruuca waxa ku jira balaadhinta dekada Berbera, Jid isku xidha Berbera ilaa Wajaale, Warshad saliida sifaysa, iyo dhuumo gaas iyo saliida u qaada dalka Itoobiya.

Somaliland oo qayb ka ah difaacida badwaynta India laga difaacayo budhcad badeeda ay ku guldaraysteen in Soomalida koonfureed ka difaacaan badahooda.

Warka Reuters waxa u gudbiyey Husein Ali Nur; waxana di u habayn ku sameeyey James Macharia and Jason Neely.

Lughaya.Com 2011 All Rights Reserved