DJIBOUTI - Dalaka Jabuuti ayaa ka codsaday dawlada Hindiya inay ka caawiso sidii dalku uu uga faa’iidaysan lahaa horumarinta tamarta dabiiciga ah ee afka ingiriiska loogu yeedho “Renewable Resources.” Tamarta dabiiciga ah waxa ka mid ah “Solar Energy” tamarta laga dhashado qoraxda oo koronto ahaan loo isticmaalo;
“Wind Energy” Tamarta hawada oo marooxado waawayn la dhigo dhul banaan oo sidaas tamarta kagu qabsado oo sidoo kale tamar laga dhaliyo iyo “Geothermal Energy” Tamarta dhulka hoostiisa laga soo saaro oo ah tamar aan wadamada soo koraya sida Jabuuti aan wali laga isticmaalin ama shacabku u tababrnayn. Tamartan dhulka hoostiisa iyo tamaraha kale ee dabiiciga ah ayaa xukuumada Jabuuti dalka Hindiya ka codsatay waxana sidaas sheegay Fuad Axmed Aye oo ah wasiirka biyaha iyo macdanta ee dalka Jabuuti oo booqasho ku tegay dalkaas Hindiya.
Dalka Hindiya ayaa codsigan soo dhaweeyey kuna balanqaaday in dalka Jabuuti ay ka caawin doonaan horumarinta tamartan dabiiciga ah oo waliba shacabka dalka Jabuuti tababaro lagu siin doono dalka Hindiya.
Heshiiskani wuxuu si rasmi ah u hirgalayaa marka madaaxda dalka Hindiya soo booqdaan dalka Jabuuti oo la filaayo dhawaan. Waxana hadalkaa sheegay wasiirka tamarta dabiiciga ee dalka Hindiya Mr. Farooq Abdullah.
Dalka Hindiya ayaa aduunka u muujisay inay la tartami karto wadamada horu u maray iyadoo aqoonta dalku uu meel sare marayo. Dalka Hindiya oo lagu tilmaamo wadan ka dhaqaale badnaan doona dalalka Maraykanka iyo Jarmalka snadaha inaguu soo aadan taasina ay sobobayso wadan oo haysta shaqaale badan jaban oo aqoon sare leh iyo shacab baladhan sida Shiinaha iyo Brazil.
Lughaya.Com Djibouti Office


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Djibouti oo Hindiya Ka Codsatay Horumarinta Tamarta Dabeeciga ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback