Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose ayaa shalay xilkii uu iska casilay si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Cismaan Garaad Soofe oo maamulka Wasaarada hayn doona ilaa inta uu Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabi doono Wasiir cusub.

Munaasabadii xil wareejinta oo lagu qabtay Hoolka Xarunta Wasaarada daakhilga ee Magaalada Hargeysa, waxa kasoo qaybgalay Madaxda hay’adaha amaanka ee hoos-taga Wasaaradaas, Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa, Maayarka Magaalada Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Dr Gaboose oo ka munaasabadaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa kaga hadlay sababta uu xilka uga degay iyo saamaynta ay ku yeelan doonto xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha, waxaanu sheegay in iscasilaadiisu aanay salka ku hayn khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha, laakiin ay ahayd bilowga yoolkiisa siyaasadeed eek u wajahnaa in uu furto urur siyaasadeed uu kaga qaybgalo tartanka loo geli doono jagada madaxtinimada dalka sanado ka dib markii ay dhamaato muddo xilkeeda Madaxaweyne Axmed Siilaanyo.

Waxaana uu intaa ku daray inuu si dhaw ula shaqayn doono Madaxweynaha, balse aanu ka tanaasuli doonin in uu soo bandhigo xaqiiqda jirta oo ah mid lagu toosinayo maamulka, isaga oo arrinkaas ka hadayana waxa uu yidhi “Anigu waanigii xilkii iska casilay isku maan casilin xumaan iyo xanuun na dhex yaal aniga iyo Madaxweynaha iyo saaxiibadaydii kale ee ka tirsan Xukuumada, dariiq kale oo aanay is qaadan Karin laba masuuliyadood oo aan is qaadan karin ayaa ay ahayd, oo anoo mid wada mid kale kuma dhex wadi karo, ayaan kolkii aan isla hadlay doorbiday oo aan is idhi in aan ku eekaato taa himilada ah ee aan muddada dheer ku soo halgamayay, haddii ay khayr tahayna Ilaahay khayr ha iiga dhigo haday shar tahayna Ilaahay ha iga xijaabo, markaan qalbigayga hoose ka hadlo Madaxweynaha lexjeclo ayaan ka leeyahay waayo halgan dheer ayuu soo maray oo aan qayb ka ahaa oo aan is leeyahay wuu ku mudan yahay in uu dalkiisa hogaamiyo, lexjeclo labaad waan ka leeyahay oo hadh iyo habeen maan hadhsan sidaan kursiga u saari lahaa, qofkaan dadkiisa hortiisa ku amaanayay igama suurtowdo in aan dadka hortiisa ku caayo waayo anaa is caayay, haddii maamulka ay milgihiisa iyo shuruucdiisa wax ka qaldamaan laga yaabaa khalad yar in uu dhibaato weyn inoo keeno, markuu maamulku khaldan yahay kala baqi maayo ee waa in aan ku dhiirado inaan khaladkiisa u sheego anoo dariiqa ugu dhaw u maraya” ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdi Gaboose wasiirkii hore arrimaha guduhu.

Waxa kale uu ka hadlay waxqabadkii ay wasaaradu ku talaabsatay intii uu xilka hayay, isaga oo sheegay in hay’ada Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta ee caalamiga ah ee USAID in ay wasaarada ugu deeqday lacag dhan laba milyan iyo badh oo Dollar ($2.5 Million) oo lagu hirgelinayo dhismayaal loo dhisayo wasaarada , maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana dhawaan ciidanka Booliska loo dhisayo xarun dhexe oo ay ku bixi doonto lacag malaayiin Dollar ahi.

Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha horumarka leh ee wasaaradu ku tabaasatay muddii xilka uu hayay iyo arrimaha nabadgalyada, waxanu yidhi “Waxaan ku soo darnay wasaarada qayb cusub oo aan taariikhdeeda hore u galin, waxa la yidhaahdaa Peace Building Section, qaybtaasi waxa weeye xaga amniga Somaliland wuxuu ku dhisan yahay Ciidamo iyo shacbiga oo gaarkiisa u ordaya, oo gaarkiisa wii soo dhex gala u xalinaya, oo gaarkiisa u dadaalaya waxaan markaa go’aansanay kaalintii shacbiga in la qarameeyo oo laga dhigo qayb wasaarada ka mid ah, oo arrinta qabanaysa qaybta ay bulshadu ku leedahay nabadgalyada inay noqoto qayb barbar socota Booliiska, badhsaabka oo kaalinta nabadgalyada ay qaadan kart, qaybtaas”

Waxa uu mahad naq u jeediyay “Waxaan maanta hortiina uga mahadcelinaya dawlado, hay’ado ajanibiya ee wixii aan ka codsanay wax nooga qabtay iyo cidkasta oo aan waraaqo u qornay noogu maqan yihiin, waxa intaa dheer heshiisyo joogto ah oo aan la leenahay dalalka jaarka, waxa dhacday nin nin dilay oo naga cararay oo Itoobiya galay inay dawlada Itoobiya noo soo qabatay oo ay keentay oo aan xidhnay, waxa dhacday dhacdadii xeebaha laga soo dagay barigii aan cusbayn onlf-tii iyo qaar lagu tuhmay oo cararay oo Jabuuti galay ee Jabuuti soo qabatay”.

Haatuf