GEB - Dugsiga Boardingka ama Hoyga ee Degmada Geb ayaa maael fiican maraya. Geb ayaa sanad dugsiyeedka nagu soo fool leh u diyaar garoobaysa in dhaliyar farobadan oo degaanka Saylac, iyo Lughaya ee Xeebaha gobolka Awdal ilaa Bulaxaar ardaydu kaga soo qulqulaysaa.

Geb oo ku taala dhul baaxad leh ee ku beegan badhtamaha Degmada Saylac iyo Lughaya iyo Boon iyo banka baaxada wayn ee Giriyaad ee gobolka Selel.

Waa halka ay Xeeb iyo barigu ku kala rogmadaan taas oo keentay in cimiladu noqoto mid dhexdhexaad ah wakhtiga kulaylaha - wakhtiga qaboobahana hawada kasoo rogmanaysa xeebaha Adal ayaa hawo diiran soo gaadhsiiya oo dib u riixa qabowga kaga imanaya Boon, Xariirad iyo Baki.

Dhismayaasha qaar ayaa dhamaaday qaarna wali waxa u dhiman hawlo ardayda u dhibyaraynaya inay la jaanqaadaan waxbarashada casriga ee degaanka.

Hadaba shacabka waxa lagu boorinayaa intii ay dhinayd lacag ururintu inay u gudbiyaan gudida lacag ururinta Geb Boarding School.

Lughaya.Com Geb