Tan iyo intii ay Somaliland gooni isku taagtay  isbadalo badan oo balaadhan ayaa kadhacay  dalka, isbedeladaas oo taabtay dhinacyada siyaasada, dhaqanka, degaanka iyo arimaha bulshada, hadaba hadii aan u soo noqdo ujeedada  mabduucaygu yahay waxaa dalka ka samaysmay  gobolo badan iyo waliba dagmooyin badan  marka aad u fiirsato waxa aad arkaysaa  qaar aan munaasib ahayn oo la magacaabay iyadoo aad arkayso qaar kale oo u qalama oo aan wali mudnaantoodii la siinin.

Kuwaas oo ay ka mid tahay degmada balaadhan ee Lughaya oo wali ku hoos jirta G/Awdal iyada oo la ogsoon yahay in degmada Lughaya ay tahay degmada ugu balaadhan guud ahaan degmooyinka dalka oo dhan iyada oo ay muuqato inay hagradeen xukuumadihii dalka hogaankiisa isaga daba xigay isla markaana aanay jirin wax ay ka qabteen hormarka degmadu u baahan tahay.

Waxa aan leeyahay Lughaya waxa ay u qalantay in gobol loo magacaabo balse lama siin gobolkii ay u qalantay. Waxana aan ka  codsanaynaa xukuumada cusub ee madaxwayne Siilaanyo hogaansho  in gobolka ugu horeeya ay bixin doonaan ay u aqoonsadaan degmada Lughaya, waxana aad ugu rajo waynahay  inay  talaadaas qaadan doonto xukuumadu.

Waxa kale oo aan u sheegaynaa  dadka aan walaalaha nahay Eedaga daabiyado kamid ah dagmada Lughaya oo ay maalmihii ugu dambaysay ka soo yeedhayeen hadalo ay ku qorayeen Joornaalada iyaga oo leh Daabiyadahaas  nooga dhiga Gobol iskii u taagan ama kama tirsanin Lughaya ee waxa aan ka tirsanahay Maroodi- jeex, hadaladaas oo ah kuwo isburinaya oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxana  aan ku ha xumaynina walaalnimada iyo dawladnimada hana ka dhigina  xuduudaha dagmooyinka iyo gobolada  kuwo beeleed oo aan socdimo caalami ah oo kala soocda lahayn hana idin deeqdo dawladnimada  iyo qaranimada Somaliland.

Waxa kale oo la yaab leh oo aan had iyo jeer maqalnaa iyaga oo dood aansal iyo raad lahayn kuna qotonta qabyaalad iyo riyo aan meel fog gaadhsiisnayn ku waramaya murana galinaya xuduudihii 60 kii ee gobolada  waxana ay yidhaahdaan Hayadta iyo Cabdi Geedi  ayuu xadku maraaya waana wax lala yaabo inay dadka qaar ka soo yeedho xuduudaha degmooyinka iyo goboladu degaanadaas ayay mari jireen.

Waxana aan jawaabta ugu soo koobayaa waa wax lala yaabo hadaladaas ka soo yeedhaya dadka sheeganaya inay degaan degaanadaasi sare ee ka daaya ka beensheega xuduudaha, isla markaana ogaada in diiwaanka ay ku qoran tahay xaqiiqda xuduudaha ee dalka oo dhani idinkana ay idiin haboontahay inaad sumcada dhawrataan kana fogaataan waxwalba oo umada isku diraya isla markaana abuurikara khilaaf hor leh oo umada walaalaha ah soo kala dhex gala, talaabada haboon ee maasha taalaana ay tahay in anaga oo is kaashanayna aan u dhaqaaqno dhinaca wax wada qabsiga isla markaana aad nagu daba istaagtaan sidii aan u dooni lahayn in xukuumadu ay Lughaya u magacawdo gobol iskii u taagan oo ku soo kordha gobolada dalka jamhuuriyada Somaliland.

Lughayapress/Desk