Dadka ku nool xerooyinka barakacayaasha ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalad nolol xumo oo aad u liidata oo soo foodsaartay, xilli mudooyinkan danbe ay magaalada kusoo bateen dad cusub oo kasoo barakacay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.Afhayeenka xeryaha barakacayaasha ee magaalada Kismaayo Cabdi dhaqane oo HOL u waramayay ayaa sheegay in ay ka jirto magaalada Kismaayo Xaalad biniaadanimo oo aad u liidata, isagoona xusay in ay magaalada soo gaareen kumanaan dad barakacayaal cusub ah kuwaasi oo kusoo dul dagay qoysas danyar ah oo iyagaba tooda la ciirsanaa, waxaana uu xusay in aysan jirin wax kaalmo ku filan oo ilaa iyo hadda ay dadkaasi heleen.
Dadka barakacayaasha ah ee kusoo qulqulaya magaalada Kismayo ayaa intooda badan waxa ay ka yimaadeen gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana dadkani ay ku noolyihin nolol aad u liidata, iydoona ay in badan oo kamid ah dadkaasi la ildaran yihiin cudurrada laga qaado nafaqadarrida.
Xaaladda nolol xumo ee ay ka cabanayaan barakacayaasha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada muqdisho kusoo qulqulayaan deeqo caalami ah oo loogu talo galay dadka ku dhibaateeysan gudaha dalka Soomaaliya, haseyeeshee kaalmooyinkaasi ayaa ah ku aan weli gaarin gobollo badan oo katirsan dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin gobollada Jubooyinka oo ay ku noolyihiin dad ay siweyn u saameysay abaarta ku dhufatay dalka Soomaaliya.
Source:Hiiraan.Com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xaalad aad u adag oo soo food-saartay Barakacayaasha ku Nool Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback