Borama -Dhallinyarada beelaha Maxamad Case ayaa soo saaray bayaan ay ku taageersanyihiin mowqifkii Suldaan IBraahim Jaamac Samatar iyo go`aannadii golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case ee ku aaddanaa wadahadallada loogu jiro in la helo hoggaan-dhaqmeed guud oo Gadabuursi ka dhaxeeya, guud ahaan dhallinyarada beelaha Samaroon-na waxa ay ugu baaqeen inay howlahooda qabsadaan arrimaha dhaqankana uga danbeeyaan odayaasha dhaqanka.
Bayaankan waxa loogu jawaabayaa sida muuqata shir ay 7aad ka hor isugu yimaaddeen huteelka Rays ee Borama dhallinyaro ku hadlaysay magaca dhallinyarta beelaha Samaroon sheegayna inay taageersanyihiin oday dhaqameed aan la isku raacsanayn oo uu muddaba ololihiisu ka socday deegaannada beelaha Samaroon.
Bayaankuna waxa uu u dhignaa sidan:
“ annaga oo ku hadlayna magaca dhallinyarada beelaha Maxamad Case waxannu halkan ka caddaynaynaa inaannu aad u jecelnahay in beelaha Samaroon ( Gadabuursi) ka tashadaan aayahooda islamarkaana ay yeeshaan hoggaan dhaqameed guud oo mideeya, waxanan sidoo kale si buuxda u taageersannahay mowqifkii Sul. Ibraahim Jaamac Samatar ee 6dii bishan Ramadaan iyo go`aannadii ka soo baxay golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case badhtamihii isla bishan Ramadaan ee dulucdoodu ahayd in beelaha Gadabuursi ay wada tashi dhaqanka waafaqsan isugu yimaaddaan kana wada xaajoodaan sidii ay u yeelan lahaayeen hoggaan dhaqameed guud.
Waxa kale oo aannu si buuxda uga soo horjeednaa inay qaybo gaar ahi magaca dhallinyarada Samaroon ku hadlaan farahana la gelaan arrimo dhaqan oo ay waajib tahay in odayaasha dhaqanka looga danbeeyo. Waxaannu nasiib darro u aragnay shir todobaad ka hor ka dhacay Hotel Rays-ka magaalada Borama oo ay isugu yimaaddeen dhallinyaro ka soo jeedda dhinac ka mid beelaha Samaroon (Gadabuursi) dabadeedna ay ku hadleen magaca dhallinyarada beelaha Samaroon iyada oo aanay jirin wax wada tashi ahi oo dhexmaray dhallinyarta magacooda lagu hadlayay.
Ugu danbayn, waxaannu guud ahaan ugu baaqaynnaa dhallinyarada beelaha Samaroon inay howlahooda qabsadaan, arrimaha dhaqanka la xidhiidhana uga danbeeyaan odayaasha dhaqanka, iyada oo aannu aannagu si buuxda u taageersannahay go`aannadii golaha dhaqanka beelaha Maxamad Case ee soo baxay badhtamihii bishan Ramadaan kuna aaddanaa wadahallada iyo dedaalka loogu jiro in la helo hoggaan dhaqameed Gadabuursi oo dhami isku raacsanyahay. Wa billaahi tawfiiq”.
Waxa baaqan ku saxeexnaa:
- Xasan Siciid Guuleed
- Xasan Cismaan Ducaale
- Axmad Xasan Cilmi
- Xasan Xaamud Jibriil
- Cumar Barkhad Cumar
- Maris Daahir Halas
- Yuusuf Nuur Muuse
- Axmad C/Raxmaan Allabari
- Cabdi Samad Cilmi Boqorre
- Siyaad Daahir Camuud
- Maxamad (Jannaale)
- Aadan Xasan Xaddi
- C/Laahi Nuur Muuse
- Maxamad Ismaaciil Ducaale
- C/Kariim Yaasiin Xasan
- Siciid Cali Sheekh
- Shinbir Axmad Ciise
- Xasan Xuseen Xasan
- Cawaale Yuusuf Xuseen
- Cumar Daahir Cilmi
- Yaasiin Maxamad Cali
- Farxaan Maxamad Cige
- Cumar Muumin Dhinbiil
- Maxamuud Tubeec Raage
- Maxamad Cilmi Mudan
- Cawaale Ciise Cilmi
- Maxamad Maxamuud Bile
- C/Raxmaan Maxamad Cabdi
- Bashiir Maxamad Madar
- Xuseen Aw-Cumar Dhinbiil


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " “Waxaannu taageersannahay go`aankii Sul. Samatar, arrimaha dhaqankana odayaasha ha looga danbeeyo” dhallinyarada beelaha Maxamad case "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback