Inkabadan 500 oo qof ayay maanta Hay’ada Camuud Foudation u samaysay Iftaar gudaha Laba masaajid oo ku yaala Borama, iftaarkan maanta ay u samaysay dadkan saa’imiinta ah ayaa waxaa u dheeraa Casho loo soo raaciyay afturkii.
Hay’adan Camuud Foundation oo ah mid ka hawlgasha guud ahaanba Somaliland sidoo kalena deeqaha taakulo gaarsiiya meelkasta oo looga baahan yahay, hadaba shalay ayay ahayd markii ay ku abuurtay farxad in ka badan 500 oo qof oo ku jiray gudaha labada Masjid oo ku yaala magaaladan Borama.
Qaybintii iftaarka ayaa waxaa ka qayb qaatay Sh. C/laahi Sh. Cali Jowhar oo ka mid ah Culimada Somaliland ugu waawayn oo, Imaam Xaaji Axmed Miisaan, C/wahaab Cige Axmed oo isagu ah Masuulka Somaliland uga wakiilka ah Hay’adan Camuud Foundation Aare iyo waliba dhalinyaro kale oo aad u tirabadan.
Si kastaba ha ahaatee Hay’adan Camuud Foundation ayaa ah mid iyadu intabadan u hagarbaxda sidii ay dadweynaha u gaadhsiin lahayd mucaawimooyinka, iyada oo ahayd bilawgii ramadaanta markii ay u qaybisay raashi aad u tirabadan xarunta agoomaha ee magaaladan Boorama ee Kaalmo.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Afturkii Ugu Badnaa Abid Ee Loo Sameeyo Dadka Masaakiinta Ayay Ka Qaybiyeen Masuuliyiinta Hay’ada Camuud Foundation "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback