saylaclughaya.jpgLUGHAYA - Degmooyinka Xeebaha Awdal iyo Selel iyo dhamaan tuulooyinka iyo degmooyinka ku wareegsan ayaa si wayn looga ciiday. Inkastoo ay abaaro ba’ani hayaan shacabkan ayaa hadana ah shacab ku caan baxay ad-adayg iyo karti dheerad ah.

Magaalada saylac oo lagu tukaday meel fagaare ah ayaa meeshaa looga duceeyey shacabka xeebaha iyo guud ahaan shacabka Awdal/Selel iyo reer Somaliland.

waxa sidoo kale takbiirta laga maqalyey dhamaan daafaha magaalada Lughaya oo magaaladaas sidoo kale shacabka reer Somaliland si wayn loogu duceeyey iyo dhamaan umada Soomaalida ahba in ilaahay colka iyo abaarta ka dulqaado.

Magaalada caasimada labaad ee Somaliland ee Borame ayaa sidoo kale si wayn looga xusay ciidal fidriga halka degmada Baki shacabku saakadii hore u anba baxeen halkaa iyo magaalada carowayne oo laga furay masaajid wayn oo dhamaan badhtamaha gobolka Awdal kusoo kordhiyey cilmi iyo aqoon dheeraad ah oo lagu wado in laga dhiso malcaamad iyo dugsi hoose/dhexe oo caruurta degaanka ka haqab tiri doona barashada cilmiga diinta iyo maadigaba.

Lughaya.Com - Lughaya Office