badhsaab-axmed-xadi-sidci.jpgOslo-(Faalo)-Magaca Axmed xadi Sidci ma aha mid  ku cusub dadka reer Boorama waxana uu yahay muwaadin reer Somaliland ah oo mudo ku noolaa Qurbaha isla markaana qayb wayn ka qaatay taageero hiil iyo hooba ah oo uu siin jiray xisbigii talada hayay ee UDUB oo uu xilkiisa ka gaadhay jagada Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UDUB ee UK.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu si wayn u soo shaac baxay ka dib ololahii doorashooyinka madaxtinimo ee ugu dambeeyay ee uu iska casilay xisbigii UDUB isla markaana ku biiray xisbigii isbedel doonka ee Kulmiye ee ku guulaystay talada dalka.

Waxa kale oo wax badan lagu xasuustaa hirdankii xooganaa ee uu ugalay isbedelka isaga oo ku mutaystay xadhig kala duwan hanjabaad xukuumada kaga imanaya iyo waliba sidii uu saxaafada uga dhex muuqan jiray isaga oo wada dacwado ka dhan maamulkii Rayaale waqtigiisii ugu dambeeyay isaga oo ku dacwoonaya dhul tiro badan oo uu tilmami jiray in xaqdaro looga qaatay.

Maanta waxa loo magacaabay Axmed Xadi Sidci badhasaabka gobolka Awdal waqti ay xiisado badani taagan yihiin waxana la iswaydiinayaa maxay noqon doontaa talaabooyinka kuwan ku xiga ee uu qaadi doono.

Lughayanews/Desk