document1.JPGOslo (Lug)- Shabakaddan wararka ee Lughaya News ayaa heshay xog muhiim ah oo ku saabsan heshiis uu maamulkii Ingriisku ansixiyay sannadkii 1957 kii oo dhigayay inaan loo baahnayn in wadahadallo dheeraad ah laga gelo ugaas u samaynta beelaha Samaroon, islamarkaana ay arrintaasi sidaa ku xidhantay maadaama aan la isku raacsanayn.

Qoraalkan ay Lughaya News heshay oo si cad irridaha ugu laabay wadahadallo ay dhinacyo ka mid ah beelaha Samaroon ugu jireen in Ugaas guud loo sameeyo beelaha Gadabuursi ayaa waxa diraya guddoomiyahii deegaanka Borama iyo Saylac ee xilligaasi,  E.M. Westmorland Wood , isaga oo si toos ah ula hadlaya madixii Somali Land British Proctectary iyo u qaybsanihii arrimaha Somalia, waxaanu qoraalkiisa ku caddeeyay in ansixinta ugaasku keenayso in Samaroon kala fogaado iskuna dhaco, sidaa darteedna loo baahanyahay in kiiskaasi wakhtigan xaadirka ah (1957) la xidho, iyada oo ay suurtagal tahay inuu xilli danbe Gadabuursigu doorto UGaas cusub haddii uu isku raaco.

Waraqadda oo la qoray 2dii bishii March ee sannadkii 1957kii  kuna salaysnayd rabitaankii waxgaradkii iyo duqaydii Samaroon ee xilligaa joogtay ayaa waxa ay u qornayd sidan:

document.JPG

Lughaya News