Boorama-(Lug)-Taliyihii Qaybta ee G/Awdal ayaa maanta xilkii taliye nimo ee G/Awdal laga qaaday isla markaana isla maanta lagu wareejiyay Mud. Araweelo oo xukuumadii hore ahaan jiray taliyahii qaybta booliska ee G/Salal.

Lama granayo waxa sababay xil kaqaadistan waqtigan, waxana ay ahayd xilwreejintii maanta oo ka dhacday xarunta ciidanka booliska ee Gobolka mid aan loo ogolayn saxaafada.

Waxa kale oo ay wararku intas ku darayaan in taliyahan xilka laga qaaday loo wareejiyo xil kale oo isla Booliska ah.

Dhinaca kale wax jira warar kale oo sheegaya in Maayarkii deg. Lughaya Mud. Baxsane Siciid Aye xilkii mayarnimo laga qaaday ka dib markii loo soo magacaabay mudane kale oo magaciisa la yidhaa Saleebaan Koodaar.

Xilkaqaadistan iyo xilalkan cusub ee la magacaabayo ayaa waxa ay ku soo beegmayaan waqti ay xukumada cusub oo aan jirin wax ka badan hal sano iyo laba bilood ay isbedelo xoogan ku samaysay xilalkii iyo masuuliyiintii ay iyadu magacwday.

Lughayanews/Desk