Boorama-(Lug)Ururka Tawfiiq oo ka mid ah urur u adeega dadka danyaraha iyo masaakiinta ku nool magaalada Boorama ayaa deeq raashina oo iskugu jirtay Bariis, Sonkor, Daqiiq,iyo Baasto gaadhsiiyay qaar ka mid ah dadka masaakiinta iyo danyarta ku nool qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Boorama.Deeqdan oo lacag ahaan ku soo gaadhay ururkan Tawfiiq dhanaydna 4,00$ kana timid Gabadh muxsinad ah oo ku nool wadanka Maraykanka gaar ahaan Columbus Ohaayo, magaceedana la yidhaahod Aamina Jaamac C/raxmaan.
Ayaa waxa ay ugu badaleen Raashin waxaana ay gaadhay 12 Qoys oo ku kala noolaa xaafadaha Sheekh Cismaan, Sheekh Axmed Salaan Iyo Sheekh Makaahiil, waxa ayna dhamaantood u mahadnaqeen gabadha u soo dirtay raashinka illaahayna uga baryay in miisaanka xasanaadka ugu daro maalinta qiyaamaha, waxa sidoo kale ay umahanaqeen ururkan Tawfiiq oo ay sheegeen in ay soo gaadhsiiyeen deeqdan raashinka.
Si kastaba ha ahaatee ururkan Tawfiiq ee miskiin kalkaal oo xaruntiisu tahay magaalada Boorama ayaa waxa uu yahay ururka Qudha ee aan wax faa’iido ah ka raadin deeqaha lacageed ee dadka walaalahooda ee qurbaha ka soo jeeda ku soo hagaajiyaan waxaana u madaxa Haweenay Qurba jooga kuna soo laabatay wadanka gudaheed iyo xubno kale oo aad u firfircoon oo da’yar ah oo ku nool magaalada Boorama.”
Lughayanews/Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama: Dad Danyar Ah Oo Loo Qaybiyay Deeq "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback