Hantidhawrkan Maantu Ma Gudan Doonaa Waajibkooda Shaqo Mise Waxa Ay Ka Soo Bixi Doonaan Xarunta D/Hoose Ee Boorama Iyaga Oo……

images7.jpgBoorama-(Lug)-Koox ka kooban 5 xubnood oo hantidhawrka Qaranka JSL ah ayaa magaalada Boorama soo gaadhay maanta, kooxdan hantidhawrka ah ayaa waxa saaka lagu arkayay iyaga oo ku sugan xarunta dawlada hoose ee Boorama isla markaana kulano aanan saxaafada loo ogolayn la yeeshay masuuliyiinta ay ka midka yihiin Xisaabiyaha, Agaasimaha Maamulka Lacagta, Khsanajiga iyo Xoghaya  Dawlada Hoose ee Barama ilaa hadana ma jiraan warar ku saabsan waxa ay ka wada hadleen masuuliyiintan labada dhinac.

Markii ay soo gaadheen xubnahan hantidhawrka ah xarunta dawlada hoose ee Boorama ayaa waxa ay saamayn muuqata ku yeesheen shaqada ka socotay xafiisyada D/hoose iyada oo la arkayay in masuuliyiinta Dawladu ay tilmaamayaan in Hantidhawr uu la joogo isla markaana sida caadada ah khalkhal iyo is daba wareeg uu ka muuqdo.

Sarkaal ka tirsan golaha degaanka ee degmada Boorama oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Lughayanews u sheegay in hantidhawrka maanta la jooga D/hoose ee Boorama ay hawlo badan u yaalaan isla markaana loo baahan yahay in ay waajibkooda si wanaagsan u gutaan. Xildhibaanku waxa kale oo uu walaac ka muujiyay in ay hantidhawrku ka gaabiyaan gudashada waajibkooda isla markaana ay iska laabtaan iyaga oo aan wax shaqo ah oo muuqata gudan sidii caada u ahaan jirtay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dadka reer Boorama ayaa laf ahaan toodu dareno kala duduwan ka bixiyay hantidhawrkan maanta soo gaadhay D/Hoose ee Boorama waxana ay tilmaameen in la gaadhay waqtigii baadhis lagu samayn lahaa shaqada ay dawlada hoose ee Boorama hayso iyada oo la soo bandhigayo dhaliilaha jira si loo saxo.

Waxa kale oo jira dareenka dadka qaar oo tibaaxaya in hanti dhawrkan laf ahaantiisu uu yahay bilawga musuqmaasuqa isla  markaana ay u yimaadeen Boorama inay cabsi galiyaan masuuliyiinta sarsare, marka dambena ka laaban doona Boorama iyaga oo aanan wax hawl ah qaban waqtiga oo dhan ku lumiyay tamashle iyo baadhista waraaqo aanan micne badan samaynayn, kalana amba bixi doona Boorama sahay dhaqaale oo ay ku gaadhaan goobta goobtan xigta ee ay baadhista hantida ku samaynayaan.

Waxa sidoo kale ay dareenka reer Boorama ka mid ahaa in ay hanti dhawrkan maanta suurto gal tahay inay iska yimaadeen Boorama iyaga oo aanay ogayn masuuliyiinta qaranka ee hantidhawrku isla markaana ay u yimaadeen gudashada danahooga gaarka ah iyaga oo huwan magaca hantidhawrka…. hantidhawrkan ayaaba u baahan baadhis ayuu mid ka mid ah dadka dareenkooda cabiray hadalkiisa ku soo gaabiyay.

Sikastaba ha ahaatee Hantidhawrkan soo gaadhay Boorama ayaa indhaha saxaafada iyo dadwaynuhuba ay aad u hayaan waxana la iswaydiinayaa su’aalo salka ku haya shaqada ay qaban doonaan maalmaha soo socda hadii ay sii joogaanba  iyo sida  uu dhaqnkooda maantu uga duwanaan doono dhaqano hore oo ku salaysnaa Laaluush iyo Shaxaad ay qaataan oo dawladihii hore ee dalka soo maray lagu yaqaanay hantidhawradooda.

Lughayanews/Borama