Boorama-(Lug)-Waxa magaalada Lughaya ku sugan wafdi uu hogaaminayo Badhasaab ku xigeenka G/Awdal cabdi Nuur Sugaal oo ay ku weheliyaan odaydhaqmeedyo iyo waxgarad kale. Wafdigan ayaa waxa ay tahay ujeedada ay u joogaan Lughaya sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen xilwareejinta Maayarka Degmada Lughaya oo ay xukuumadu dhawaan u soo magacawday Mud. Saleebaan Cabdi Cabdilaahi Koodaar iyadoo ay ku weliyan xilwareejin kale oo loo samayn doono xoghaye cusub oo loo soo magacaabay Magaaladaas oo uu magaciisu yahay cabdi Xirsi Muuse(Shiine).

Xilwareejintan oo lagu wado inay dhacdo maalinta bari ah ayaa loo qorsheeyay inay ka qabsoonto xarunta degmada Lughaya, waxa ay ku soo beegmaysaa waqti ay degmadaas Lughaya ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn xoogan ku yeeshay nolosha dadka caadiga ah.

Marka loo yimaad Maayarkan cusub ee loo soo magacaabay Lughaya Saleebaan Cabdi Cabdilaahi ayaa waxa aad u yar aqoonta loo leeyahay waxana uu yahay nin aan siyaasada ka dhex muuqan jirin balse dadka reer Lughayaad ay aqoon balaadhan u leeyihiin isla markaana ay ku xasuustaan arimo fara badan oo qadhaadh iyo macaan labadaba leh.

Hadaba hadii uu maayarkii Hore ee Lughaya Mud. Baxsane Siciid Aye oo intii uu xilka hayay ay u qabsoomeen arimo hormar ah oo muuqda iyo dadaal badan oo uu u galay inuu dalka intiisa kale u bari lahaa dagmada Lughaya uu maanta xilkii wareejinayo waxa ay dad badani is waydiinayaan waxa uu Mud. Saleebaan Koodaar ku soo kordhin doono degmada Lughaya

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama