Madaxwayne Ku Xigeenku Waa Muwaadin Mana Aha Nin Ku Fashilmay Dhawr Bilood Sida Naasir Qawrax Oo Kale…..Prof. Dixood

Kadib markii doorashadii labaad ee Madaxtinimada Somaliland ee 2010-kii uu ku guulaystay kursiga Madaxatinimada dalka Md. Siilaanyo oo ka soo jeeda beelaha Badhtamaha Somaliland, kursiga Madaxeyne Ku Xigeenkana uu ku guulaystay Md. Saylici oo isaguna ka soo jeeda G/Awdal, kuwaas oo labaduba ka wada tirsan xisbiga Kulmiye, waxa dhacday bulshada beesha G/Awdal ee uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale inay ka waayeen xukuumada Madaxweyne Siilaanyo sadbursiimadii iyo danihii kale ee hore ay ugu qabeen Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale. Sidaas awgeed, waxay soo maleegeen istaraatiijiyad siyaasadeed oo cusub oo ku saabsan sidii bulshada G/Awdal iyo beelaha Badhtamaha Somaliland ay iskaga horkeeni lahaayeen iyo weliba sidoo kale sidii Madaxweynaha dalka Md. Siilaanyo iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Md. Saylici ay u kala shaki-gelin lahaayeen ama ay u kala fogayn lahaayeen, si ay u khalkhaliyaan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ay G/Awdal uga fuliyaan qorshayaal qarsoon oo halis ku ah midnimada iyo qaranimada Somaliland.

Hadaba, hadii aan wax ka iftiimiyo tallaabooyinka lagu kala shaki-gelinayo Madaxwenaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka dalka, waxaan tusaale ku filan u soo qaadan karnaa warqadii furnayd ee Inj. Naasir Maxamuud Qowrax u qoray Madaxweynaha dalka Md. Siilaanyo ee uu u sii mariyey wargeyska Haatuf dhawaan, warqadaas oo nuxurka qoraalka ay xambaarsanayd uu ahaa Madaxweyne Siilaanyo inuuna arrimaha xukuumada G/Awdal kala tashan Madaxweyne.Ku Xigeenkiisa Md. Saylici, taas oo ujeedada uu ka lahaa ay ahayd si G/Awdal uu gacanta ugu galo Mucaaridka G/Awdal ee ka soo jeeda beesha Inj. Naasir uu ka tirsan yahay oo u ololaysa riyada gooni isku taaga G/Awdal ee “Awdal State.”

Dhinaca kale, nina afkiisa lagama xaalsiiyee, hadalkii Inj. Naasir ku qoray warqadaas ee uu ku sheegay beesha isagu ka soo jeedo inay ahayd beeshii dhinaca G/Awdal codkii ugu badnaa siisay Madaxweyne Siilaanyo doorashadii labaad ee Madaxtinimada dalka ee kal hore, wuxuu ahaa mid Inj. Naasir uu buux-dhaafiyey oo waxba kama jiraan ah, isla markaana sal iyo baar toona aan lahayn oo Inj. Naasir aanu hilinkiisii marin, hadii aanu ahayn hadalkaasi mid uu ku xodxodanayey Madaxweyne Siilaanyo si uu isaga dib ugu magacaabo xil kale, kadib markii xil-gudasho la’aantiisa awgeed looga eryey jagadii xoghaya D/Hoose ee Boorama ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay u magcowday markii talada dalka ay qabatay..

 Hase ahaatee, dagaalkii ugu qadhaadhaa ee loo soo galay halgankii isbedel doonka ahaa ee aynu ku hananay guusha maanta Madaxweyne Siilaanyo uu ku fadhiyo kursiga hogaaminta talada dalka, wuxuu ahaa mid Beelaha Maxamed Case iyo Beelaha Habarcafaan ee isbedel doonka ahaa ay ka soo galeen G/Awdal, kadib markii beelahaasi ay kala soo kulmeen Madaxweyne Rayaale cadaadiskii iyo cadaalad-darradii ugu xumayd mudadii sideeda sano ahayd ee uu hayey xilka Madaxtinimada dalka.

Dhinaca kalena, hadalkii kale ee Inj. Naasir ka uu ka dhawaajiyey ee uu ku tilmaamay Saylici inuu isku xidhay Beelaha Maxamed Case iyo kuwa Habarcafaan si ay iskaga kaashadaan beesha Inj. Naasir ka soo jeedo, wuxuu ahaa mid isaguna sal iyo baar toona aan lahayn, sababtoo ah xidhiidhka beeluhu ay samaysanayaan waa arrin dhaqan oo Madaxweyne Ku Xigeen Qaran aanu faragelin Karyn ama shaqo aanu ku lahayn. Hase ahaate, hadii anigu aan wax ka iftiimiyo sababtii ay iskugu xidhmeen beelaha Maxamed Case iyo kuwa Habarcafaan waxay ahayd mid xidhiidh la leh cadaadiskii iyo cadaalad-darradii beelahaasi ay kala soo kulmeen Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale.
 
Si kastaba ha ahaatee, nasiib-wanaag isku xidhka ay isku xidhmeen Beelaha Maxamed Case iyo Beelaha Habarcafaan ee Inj. Naasir uu ku dhawaajiyey, ma  uu noqon mid wax dhibaato ah u keenay G/Awdal, balse wuxuu noqday mid faa’iido u yeeshay guud ahaan  nabadgelyada iyo deganaashaha G/Awdal, isla markaana suuragal ka dhigay inay damaan xiisadihii isdabajooga ahaa ee ka dhacayey magaalo madaxda G/Awdal ee Boorama, mudadii koobnayd ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka talinaysay, sababtoo ah kooxihii dhallinyarada ahaa ee ka soo jeeday beesha uu ka tirsan yahay Inj. Naasir ee xiisadaha ka abaabulayey G/Awdal oo wehel ka waayey dhallinyarada ka soo jeeda Beelaha Maxamed Case iyo kuwa Habarcafaan oo iyagu ehel u ah, isla markaana lexjeclo mug leh ka qaba xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee ay u soo halgameen, kuwaas oo la wada rumysan yahay inay gaadh adag ka qaban jireen dhinaca xaafadaha ay ka degan yihiin magaalada Boorma, maadaama ciidanka bilayska Boorama iyo ciidanka nabadsugida G/Awdal ay yihiin kuwa aan dheelitirnayn oo beelaysan oo u badan dhinaca beesha ay ka soo jeedaan kooxaha kor ku xusan ee xiisadaha ka waday G/Awdal.

Ugu dambayn, qoraalka warqada kor ku xusan ee Inj. Naasir Maxamuud Qowrax u qoray Madaxweyne Siilaanyo dhawaan, waxa kale oo nuxurkiisu ahaa mid muujinaya Inj. Naasir inuu ku qadhaadhoonayo Madaxweyne Ku Xigeenka Md. Saylici, kadib markii xil-gudasho la’aantiisa awgeed looga eryey jagadii xoghaya D/Hoose ee Boorama ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay u magcowday markii talada dalka ay qabatay.

Waxa Qoray
Prof. Adan Diiriye Dixood
G/Awdal, Somaliland.