lughaya.jpgBoorama-(Faalo)-Waxay ahaayeen 3dii Maalmood ee ay waftiga Madaxwayne ku Xigeenka JSL Eng. Cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu hogaaminayay ee ay ka midka ahaayeen wasiiro, xildhibaano iyo saraakiisha kale ee dawladeed ay ku sugnaayeen Boorama maalmo ay magaaladu xiise gaar ah lahayd, suuqyadu way camirnaayeen, wax iibsiga badeecada iyo adeegyada kala duwan ee ganacsiga Boorama waxa uu ahaa mid si wanaagsan u socda, waxa jiray in dadku ay u dhago taagayeen waxa ka soo bixi doona iyo miisaanka ay yeelan doonto booqashadan ay Madaxwayne ku xigeenka iyo raxanta wasiirada ah ee la socotaa leedahay iyo sida ay u wajahayaan furfurida masalooyinka xujida ah ee horyaalay.

Maanta oo uu waftigaasi ka amba baxay Boorama waxa la iswaydiin karaa guul iyo guul daro 3dii maalmood ay masuuliyiintaasi qaran ku sugnaayeen Boorama maxay ugu dhamaatay, waxana haboon in la dhadhansado macaan iyo qadhaadh waxa manta laga sii dareemayo Boorama ka dib markii ay ka noqdeen.

Mida koowaad waxa hubaal ah in kormeerkii ay ku soo mareen xafiisyada maamulka gobolka Awdal maalintii labaad ee booqashadooda uu indhaha u saaray in ay xaalada maamul ee Gobolka uu madaxwayne ku xigeenku ka soo jeedoay tahay  mid adag, xafiisyadu ma dayac tirnayn, dhismayaashu waxa ay ahaayeen kuwii Ingiriiskii, masuuliyiinta gobolku waxa ay u soo gudbiyeen cabashooyin tiro badan, waxqabadka loo sheegay ma ahayn mid meel ka muuqda waxana uu ahaa mid afka laga akhriyay una badan buunbuunin iyo baahiyaha u baahan in wax laga qabto.

Waxa kale oo xusid mudan in warbixinadaas ay qaarkood ahaayeen kuwo daboolka ka qaadaya sida ay xaaladaha adeegyada Cadaalada, Waxbarashada iyo Caafimadku u yihiin kuwo aan dadka ku filnayn isla markaana aanan wada gaadhin dad badan oo ku nool miyiyada fog ee goboladan oo uu Madaxwayne ku xigeenku shaqsi ahaan u soo maray waqtigii ololahii doorashada isla markaana aanu ilawsanayn inay wali sugayaan balamihii loo qaaday.

Mida kale Waftiga Xukuumadu waxa uu muujiyay dhiiranaan dhinaca hadalka ah iyaga oo gees isaga riixaya wax ka qabashada baahiyaha tirada badan ee loo soo jeediyay oo anaanay xukuumadu tabarteediilahayn, waxana uu Madaxwayne ku xigeenku yidhi “ Reer Awdalow Caqabadahaasi kaligiin ma aha ee dalka oo dhan ayaa idinla qaba”…. Waxa kale oo iyaduna jirta in ay caanaatii ku dul hoortay Badhsaabka iyo Isuduwayaasha Gobolka ahayd mid soo saaraysa inta uu leegyahay goldoloolooyinka uu leeyahay maamulka Gobolka Awdal isla markaana ay yihiin kuwo ku mashquulay waxyaabo kale oo ka baxsan danihii loo igmaday. Mida kale oo ku lamaanayd khudbadahaasi kulul ee ka soo yeedhay afka Madaxwayne ku xigeenka, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada waxa ay ahaayeen kuwo ay rabaan inay ku toosiyaan goldoloolooyinka maamul ee ay arkeen waana hubaal inay ka dharagsan yihiin maahmaahdii ahayd “Dhagihii Alle Waaniyaa Waansan”, hadii aanay qaadin talaabooyin ficil ah oo wax lagu saxayo oo ay afkaba ka sheegeen, waxana hubaal ah in habacsanaanta maamul iyo agab la’aanta jira ee ay arkeen ay ku tahay Madaxwayne ku xigeenka waji gabax uu ka marag yahay in ay dib u sii dhacayaan  hormarkii uu rabay inuu ka hanaqaado gobolkan oo 1 sano iyo badh ay xukuumadu kaga badashay Badhasaabkii Sedexaad.

Mida labaad, Madaxwayne ku xigeenka iyo waftigiisu waxa ay dadaal badan ku bixiiyeen isku soo dhawaynta beelaha Gobolka ee ku kala fogaaday saaxada dhaqanka waxana hubaal ahayd in cid walba oo Boorama joogta ay ka dharagsanayd in arinta uu Madaxwayne ku xigeenku u yimid Boorama ay tahay midaas lana wada sugayay sida ay ku dhamaato. Arintan ayaa waxa ay ku soo afjarantay is afgarad iyo is gacan qaad waana midaas mida aan cidi dafiri karin ee la wada ogaa in cid walba ay farxad dhinaca dhulka dhigtay habeenimadii ugu horaysay ee ay soo if baxeen wararka sheegayay in la dhameeyay khilaafkaas.

Eebe miisaanka xasanaadka ha ugu daree waxa ka marag kacay Sh. Cali Shucayb Maalintii Jimcihii ahayd markii uu masjidka uga duceeyay Madaxwayne ku xigeenka igaga oo xusay inuu gutay wajibkiisa isla markaana uu qaaday talaabo geesinmo leh oo ay xukuumadu ku amaanan tahay. Sidoo kale waxa uu waftigii xukuumada ee arintan dhaqanka garwadeenka ka ahaa uu noqday midka isku wada qaatay wax walba oo lib ah oo ay arintani ku soo gaba gabawday iyaga oo odayaasha dhaqanka uga tagay hadalkii ahaa “ Idina waad guulaysateen Adina waad guulaysateen….”.

Odayaasha dhaqanka waa la is hor fariisiyay waana la isku gacan saaray waxase aan laga boodi karin in Madaxwayne ku xigeenka iyo wasiirada la socdaa ay hoosta ka xariiqeen inay jiraan masuuliyiin qaran oo iyagu ka weecday fulinta siyaasadii qaranka kuna dhex milmay khilaafkaas dhinaca dhaqanka ahaa ee ka aloosnaa gob.Awdal, isla markaana ay sugayso inay talabooyin la xisaabtan mudan oo ay fulintoodu adag tahay ka qaadaan.

Maayar Cabdiraxmaan Shide waxa isaga u sharaf ah in uu Madaxwayne ku xigeenku dhagax la dhigo wadooyin dhinaca hormarka ah ee uu ku talaabsaday hirgalintooda, arintan inkasta oo uu madaxwayne ku xigeenku soo dhaweeyay kuna tilmaamay guul waxa hubaal ah inay dib u xasuusin doonto sida ay wali u fashilan tahay wadadii uu horaantii xukunka xisbigiisa dhagaxa dhigay ee isku xidha Dila iyo Tuli dhererkeeduna dhamaa 4km oo wali qabyo ah isla markaana muujinaysa in aanay xukuumadu wali ka soo bixin fulinta balanqaadkeedii isla markaana ay ka dadaal bateen dadka degaanka oo uu Madaxwayne ku xigeenku kula dardaarmay waxqabsi ay yihiin kuwo hore isku xilqaamay kana dheereeyay xukuumada oo lagu tuhmayay wax qabad ka degdeg badan kii xukuumadihii hore.

Madaxwayne ku xigeenka iyo waftigiisa waxa loo soo dhaweeyay si balaadhan waxana loo sagootiyay si balaadhan oo aanay reer Awdal u kala hadhin waxase aan la iloobi karin in Madaxwayne ku xigeenka guulaha dhinaca xalinta dhaqanka uu ka soo hoyay ay ku miisaaman tahay goldaloolooyinka kale ee dhinaca maamulka ah ee uu la kulmay inay ka jiraan Gobolka Awdal iyo gudaha xukuumadiisa sare, waxa kale oo aan iyaduna sahlanayn in la iska indho saabo wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan xafiisyada gobolka iyo sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa degaanada fogfog ee wali quud daraynaya in loo fuliyo balanqaadyadii loo sameeyay waqtigii doorashooyinka.

Guntii iyo gabogabadii Madaxwayne ku xigeenku caawaba hadii uu ka gam’ay culayskii dhinaca dhaqanka waxana hubaal ah inuu mar kale dib ugu qarwi doono gufaynta goldoloolooyinka dhinaca maamulka ah iyo gurmadka kale ee dhinaca abaaraha ah ee jira.

Wariye:-
Cabdale Cali Yusuf
Lughayanews-Boorama