Saylac (lug)- Qiyaas ahaan 30 saacadood ayaa ka soo wareegtay markii uu qurbajooge C/Rashiid Doodi tuuray board-kii muraxsaxnimada ee uu isku rogay dagaal ooge, imikana waxa uu ku suganyahay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salel, kadib markii laga horqaaday melleeshiyaad beeleedyadii daadsanaa gobollada Awdal iyo Salal.

C/Rashiid Doodi oo ay weheliyaan dhowr oday iyo dhallinyaro ciyaal iskuul ahi ayaa maanta duhurkii gaadhay magaalada Saylac, iyada oo loo diiday inay degaan guriga martida Saylac iyo xarunta Iskuulkaba, maadama ay yihiin wafdi aan ujeedadiisa la aqoonsan.

C/Rashiid iyo kooxdiisuba waxa ay aakhirkii dageen oo laga kireeyay albeerko uu leeyahay guddoomiyaha kalluumaysiga gobolka Salal Faysal Ibraahin Kaboode oo ay isku hayb yihiin dirawalka gaadhiga u wada C/Rashiid Doodi oo magiciisa la yidhaahdo Cabdi Cawaale Xabaaldiid.

Inkasta oo ay xalay deegaannada buuralayda iyo xeebaha gobollada Awdal iyo Salal daadsanaayeen kumannaan malleeshiyo beeleedyo ahi, haddana xalay saqdii dhexe illaa saaka waabarigii ayay xukuumadda S/Land ku guulaysatay inay kala dirto, kuna qancisay inay ka laabtaan dagaalka.

Madaxwayne ku xigeenka Somali Land Mud. C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxwaynaha ayaa tan iyo shalay fiidkiiba xidhiidhyo kala geddisan la samaynayay madax-dhaqmeedyada beelaha Maxamad Case si ay u laabaan meelleeshiyaadka ku faafay gobollada Awdal iyo Salal, waxaanu ku guulaystay in uu ku qanciyo beelahaasi joojinta dagaalka iyo inay kala diraan dhaqdhaqaaqyada hubaysan.

Beeelaha Bahabar Celi oo shalay maqribkii dagaal ku dhawaaqay ayaa saaka aroortii kala diray ciidan beeleedkii taabacsanaa, sidoo kale deegaanno badan oo ka mid ah Awdal iyo Salal ayaa iyagana sidaa lagu qanciyay oo dagaalkii ka laabtay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somali Land, mud. Maxamad Duur ayaa isaguna habeenkii xalay ahaa oo dhan si xad dhaaf ah ula soo xidhiidhayay suldaanka guud ee beelaha Maxamad Case, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo uu ka codsaday in uu bulshada uu hoggaamiyo ka baajiyo dagaal iyo wax kasta oo amni darro keenaya. Waxa kale oo uu wasiirku Suldaanka u sheegay in heshiiskii dhaqanka beelaha Samaroon jabay, masuuliyaddiisana ay kooxda Cabdi Rashiid qaadayso, dibna aan la isugu soo noqon doonin wada hadal danbe.

Sidoo kale taliyaha ciimada qaranka ee xeebaha galbeedka Somali Land Gen. Yuusuf Iiman Diiriye oo dhiirrigelin badan ka haysta wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil ayaa isaguna galbeedka Somali Land ka galay dedaal lagu baajinayo inay dadka degaanku dagaallamaan.

Cabdi Rashiid Doodi iyo kooxda la socota ayaa la filayaa inay barri u anbabixi doonaan magaalada Lughaya oo ay inbadan ku taami jireen, iyo sidoo kale magaalada Gargaara oo la sheegay inuu C/Rashiid ku adkaysanayo inuu ka soo ducaysto maqaamka Xaaji Tawakal ee ku yaalla halkaasi.

Waxa kale oo aan wali la xaqiijin sida ay wax uga jiraan warar xalay soo baxayay oo sheegaya in mid ka mid ah gawaadhida C/Rashiid Doodi laga helay guntimo sixir ah iyo karaaciinno xoolaad oo mad-madoow.

Sida laga warqabo, waxa kooxda C/Rashiid ka mid ah xubno deegaanka yaqaan kana tirsan beelaha kacsan oo shalay fiidkii markii la rasaaseeyay iyagu lahaa annaga nagu dhufta rasaasta.

Isku soo wada duuboo shalay 2 dii duhurnimo 27/10/2011 ayaa u danbaysay C/Rashiid Doodi oo loogu yeedho murashaxa ugaasnimada beelaha Samaroon, kadib markii uu jabiyay heshiiskii uu murashaxa ku ahaa ee dhigayay in aanu meelna u socdaalin inta khilaafka dhaqanka geed lagu xallinayo ee la isku raacayo ugaasnimadiisa ama la diidayo.

Lughayanews- Saylac Desk