Saylac (lug) -wararka ka imanaya magaalada Saylac ayaa sheegaya in muruudka ama horjoogaha maqaamka Sheekh Ibraahim Saylici, Sheekh Maxamad Abaadir Shirwac saaka la kulmay wafdi la sheegay inuu xer ahaan u aqoonsaday oo uu horkacayo Sheekh Xasan Colhaye (Soo bood), kana mid ahaa qurbajooge C/Rashiid Doodi.

Sh. Maxamad Abaadir Shirwac oo aan aqoon badan u lahayn xubnaha wafdiga ayaa lagu soo warramayaa inuu u ogolaaday barxadda maqaamka inay ka hadlaan, waxaana halkaa ka hadlay oo khudbad kooban oo aan nuxurkeeda la fahmin ka jeediyay Cabdi Rashiid Doodi oo laba maalmood ka hor ka tanaasulay murashaxnimadii jagada ugaasnimada beelaha Samaroon. Waxana dhagaysanayay intii la socotay.

Cabdi Doodi iyo kooxda la socota oo ay bahdilaad farabadani ka qabsatay magaalada Saylac, ayaa waxa la sheegayaa in dhowr maalmood ka hor Borama kaga tageen khudbado hore loo sii duubay laguna habeeyay qalabka habaynta codadka si haddii ay waxba u suurageli waayaan loo faafiyo , dadkana loogu marin habaabiyo. wararkuna waxa ay sheegayaan in hadalladii hore loo sii qabtay imika shabakadaha local ka ah qaarkood lagu faafiyay.

 

Lughaya News - Saylac desk