somaliland-logo.jpgMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaaya Muhiimada ay tartanada ciyaaruhu u leeyihiin Bulshada Dhalinyarada, wakhtigana ay joogto xiligii la qaban lahaa tartankii Ciyaaraha Gobolada.

Waxa uu magacaabay gudi Wasiiro ah oo wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhada Ciyaaraha ka caawisa isla markaana ku hogaamisa sidii ay tartanadani u noqon lahaayeen lagana midho dhaliyo,

waxa uu magacaabay Gudidan.
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalin yarada iyo Ciyaaraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada
Ku: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare
Ku: Xildhinaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo
Ku: Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good
Ku: Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Golayaasha
Ku: Maareeyaha Hay’adda Dawrista Tayada ( Quality Control )
Ku: Suldaan Axmed Daahir

Sida aad ka warqabtaan, Ciyaaruhu waxay qayb weyn ka qaata dhismaha bulshada iyo horumarinka dhalinyarada waxaanay ahmiyad u leeyihiin Caafimaadka iyo isku xidhnaanta gobolada Dalka.
Sidaa Dartee lag bilaabo taariikhda qoraalkan waxan idiin magacaabay ka hawlgalka ciyaaraha gobolada ee sannadka 2011.
Guddigan waxa Gudoomiye u ahaan doona Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Mudane, Cabdi Siciid Faahiye

ALLAA                        MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.