somaliland-logo.jpgMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markuu tixgeliyey baahida loo qabo kor uqaadida faya dhawrka, nadaafada iyo Bilicda Caasimada,

Waxa uu magacaabay
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Barashada
Ku: WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Ku: Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
Ku: Duqa Caasimada
Ku: Badha-saabka Gobolka Maroodi-jeex
Ku: Agaasimaha Fulinta Nagaad
Ku: Agaasiamaha Sonyo

Sida aad ka warqabtaan Bilicda iyo Muuqaalka Caasimaddu waxay qayb muhiima ka qaata milgaha dawladnimo iyo aayaha horumarka qaranka, sida diinteena suuban dhigayso, Nadaafadu waxay ka mid tahay  iimaanka.

Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan idiin magacaabay Gudida Bilicda Caasimada waxaana Gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)

ALLAA                        MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.