Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ugu mahad haya Duqaydii iyo waxgaradkii ka hawl gashay, hawsha ceel-bardaale ee ku guulaysatay
in ay isu soo dhawayso dadka deegaanka, isaga oo u mahad-naqaya Odayada labada Dhinac ee garawsaday in ay nabadu tahay ta guul lagu gaadhi karayo, isaga oo xaqiiqsaday in loo baahan yahay in la qodax tiro oo la dhamaystiro Arrinta shaqaaqadii la baxday ceel-bardaale in la dhamaystiro waxa uu magacaabay Guddida kala ah:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Xildhibaan Cali Maxamed Muuse
Ku: Xildhibaan Mahdi Xuseen Caraale
Ku: Muxumed Aw Axmed Aadan
Ku: Cawil Xuseen Axmed
Ku: Xildhibaan Axmed Daahir Jirde
Ku: Suldaan Axmed Daahir
Ujeedo: Magacaabid Gudi
Laga bilaabi maanta waxa aan idin magacaabay Gudida Dhamaystirka xalinta Khilaafaadka Ceel-bardaale
Hadaba mudanayaal si ay hawshaasi sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro waxaa Guddidan Gudooomiye u noqon doona Xildhibaan. Cali X.Maxamed Muuse.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " M/wayne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida Dhamaystirka Shaqaaqadii Ceel-Bardaale "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback