Saylac-(Lug)-Xadaarada iyo Ilbaxnimadu waa u dhalasho waana mid ay dadka gobolka Awdal ee ku nool Magaalda Saylac umada inteeda kale dheer yihiin, waxa xalay soo gaaray waftigii C/Rashiid Doodi uu watay oo yimid Saylac habeenimo, reer Saylac kulaylka ayaa dibada u soo saaray warka C/rashiidna way sii ogaayeen qof walba sariirtiisa cadiirka ayuu lugaha dulsaartay mana jirin cid haysa meel ka banaan oo ay banayso waxana dhacday in C/Rashiid iyo kooxda la socotay ay adkaato meel ay ka bilaabaan arinta oo ay ku soo ururaan maqaaxi bartamaha Saylac ku taala halkaas oo ay shaah ka cabeen reer Saylacna ay kaga shaqaysten iyaga oo ku horay wixii cunto taalay si ay lacagta ugala hadhaan.

C/Rashiid Doodi waxa la seexiyay guri ay dadkii lahaa kulayka jira xamili waayeen oo ay dibada uga soo baxeen iyagoon ka tagin in martida la bariiyo. habeenkii xalay wax kale oo reer Saylac ah oo u soo baxay ma jirin reer Saylacna waxay iska wateen hawshooda u gaarka ah waxana ay duqayda reer Saylac ka sii fikirayeen waxa ay bari samayn doonaan.

Reer Saylac dan kama galin waxa ay la socdaan C/rashiid iyo kooxdiisa oo aanay waligood arag oo ku cusbaa Saylac waxaana jirtay in Jaankii Badda ay salka dhigeen iyagoo ku cago qabawsanaya, C/Rashiid markii waagu baryay waxa uu soo maray Qabrigii Sheekh C/Raxmaan Saylici waxana dhacday in reer Saylac iyaga oo dhoola cadaynaya ay dhabarka u sii jeediyeen kooxda C/Rashiid isla markaana bilaabeen inay u sayliciyeeyaan, saylac oo dhana waxa maanta halhays u ahayd


Yaa saaxib al mudala tawakal calalah.