Boorama-(Lug)-Xaalado ba’an oo dhinaca abaaraha ayaa ka jirata degaanodada Buurahalayda ah ee Gobolka Awdal waxanana ay arintani sababtay in la arko dad aad u badan oo ay xoolihii ka dhamaadeen inta u hadhayna ay aad u liidato oo u soo hayaamaya meelaha ugu dhaw ee ay doog uga heli karaan xoolahooda oo noqday degaanada u dhaxeeya Baki iyo Gabilay.
Wararka ka imanaya degaanadaas ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaas ay abaaruhu dabada ka wadaan ay la kulmayaan xaaladao ba’an oo dhinaca bini’aadanimada ah taasi oo ay la kulmeen in dadkii degaanku ay ka ceshedeen doogii dhulka isla markaana ay waayeen dhul ay xoolaha daajiyaan.
Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in dadkan barakacsan ay hanjabaado iyo tacadiyo kale u gaysanayaan dadka degaanadaas oo aan wax gurmad ah uga fidin dhabaatada dabiiciga ah ee haysata, waxana kale oo ay dadkaasi reer guurahaaga ah ee hayaanka ahi la kulmeen in loo gaystay meelaha qaar cagajuglayn iyo cuna qabatayn xoogan oo dhinaca daaqsimada ah.
Waxa kale oo Shabakada Wararka ee Lughayanews u suurtoobi wayday inay khadka taleefanka ku hesho masuuliyiinta degaanadaas degmooyinka Baki iyo Gabilay oo ay isku dayday in ay arimahan wax ka waydiiso si xog ogaal loogu noqdo.
xaaladahaas ay la kulmayaan dadka reer Guuraha ah ee xoolahooda hayaaminaya ayaa ah kuwo isa soo taraya isla markaana aanan ilaa hada la haynin cid masuuliyiin ah oo ka hadashay dhibaatasaas iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay ka dib markii dhul daaqsimeedkii la wada lahaa ay isku dadaleen seerayaal ay cid gaar ahi leedahay.
Lughayanews/Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Reer Guuraa Barakacsan Oo Loo Diidayay Dhul Daaqsimeed U Dhaxeeya Baki Iyo Gabilay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback