Boorama-(Lug)-Waxa maanta magaalada Boorama lagaga dhawaaqay urur Siyaasadeed cusub oo loogu magac daray ururka Hormarka iyo Barwaaqada ee Iftin, madasha ururkan loogu dhawaaqay ee magaalada Boorama ayaa waxa goob joog u ahaa dhalinyaro aad u tiro badan, Aqoonyahano , haween odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta urur Siyaasadeedkan Cusub
Ugu horayntii ayaa waxa madashan ka hadlay Afayeenka ururkaasi Mud. Axmed Saleebaan Cumar waxana uu sheegay in ururkan oo maanta dhalka oo dhan ka furmaya uu yahay urur siyaasadeed dhalinyaro ay hogaaminayso waxana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida balaadhan ee ay dhalinyaradu ugu soo baxday inay ururkan iskugu soo baxaan. isga oo si wata hadlakiisa waxa uu yidhi ” Somaliland oo dhan maanta dhalinyaro ayaa hogaanka u haysa waxa intyaasi dheer in gudoomiyaha ururka Mud Cabdiqaadir Cali Obsiiye uu yahay Dhalinyaro dhalintuna uu ururkani IFTIN fursad balaadhan siinayo” Afayeenku waxa uu dhalinta ugu baaqay in la ururkan la is barbar taago isla markaana waxa uu xusay in dhalinyaradu ay tahay mid u baahan inay talada dalka ka qayb qaataan.
Waxa kale oo ka hadlay madashaasi qaar ka mid ah dhalinyarada, Haweenk, iyo oday dhaqameedyo kale waxana ay dhamaantood soo dhaweeyeen ururkan IFTIN ee cusub waxaanay tilmaameen in loo baahan yahay in dhalinyaradu ay ku baraarugsanaato awoodeeda ay wax ku badali karto loona baahnaain la sameeyo urur dhalinyarada kulmiya kaasi oo ay xuseen inay si balaadhan isku barbar taagi doonaan.
Gudoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka Iftin Mud. Idiris Axmed Jagne oo isagunala hadlay dhalinyarada iyo taageerayaasha ka soo qayb galay madashan ayaa waxa uu ka sheekeeyay mabaadiida ururka waxana uu xusay in ururkan ay ataan u tahay midabada Cadaanka oo u taagan nabada iyo Akhtarka oo u taagan Hormar iyo Barwaqo, waxa kale oo uu xusay in uu ururkani yahay mid dhalintu ay leedahay balse ay qayb ka yihiin qaybaha kale ee Bulshada waxana isaga oo arimahaas ka hadlaya uu yidhi ” Dhalintu waa curdun urukana waa mid cusub wixii cusubna caalamkaa jecel, waxa aan ku kalsoonahay in ururkani uu yahay mid dhaxal gal ah oo beegsan doona himilooyinka ay dhalintu leedahay ee dhinacyada, ku noolaashaha dal la ictiraafsan yahay, shaqo iyo shaqo abuuris iyo waliba deegaanka oo la dhawro.
Urur Siyaasadeedkan cusub ee IFTIN ayaa ah kii ugu horeeyay ee xaflada ku dhawaaqistiisa ay dalka oo dhan maalin kaliya ka qabsoonto waana midaas mida dad badan soo jiidatay.
Wariye:-
Cabdale Cali Yusuf
Lughayanews-Boorama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Urur Siyaasadeed Cusub Oo La Magac Baxay IFTIN Oo Boorama Lagaga Dhawaaqay Maanta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback