Lughaya (lug)- wararka ka imanaya magaalada Lughaya ee xarunta degmada Lughaya ayaa sheegaya in xabsiga Lughaya laga sii daayay maanta gellinkii danbe (xilliga bariga Africa) xubno ka mid ah kooxdii horsocotay qurbajooge C/Rashiid Doodi oo socdaal ku marayay deegaannada Xeebaha Awdal iyo Salal.
Xubnahan jeelka laga sii daayay oo ay ka mid ahaayeen Muuse Carab iyo Cabdi Xabaal-diid ayaa la sheegay inay ka soo horreeyeen Cabdi Rashiid iyo kooxda inteeda kale, si ay ugu sii gogol xaadhaan booqashadiisa uu lughaya ku tagayay, haseyeeshee maamulka Policeka Lughaya oo raggan ka shikiyay ayaa jeelka u taxaabay.

magaalada Lughaya ee xarunta degmada Lughaya
Xil.Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale) oo ka mid ah golaha wakiillada Somali land lagana soo doorto degmada Lughaya, ayaa dedaal wayn ku bixiyay sidii uu wafdigan jeelka uga samatabixin lahaa, waxuna saacado badan kadib ku guulaystay inuu madaxwaynekuxigeenka Somali Land Mud. C/Raxmaan Saylici la kaashado sii deynta nimankani, iyada oo Mayorka Lughaya Mud. Saleebaan Koodaar amar sare lagu siiyay siidaynta raggaasi.
Sidoo kale siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Lughaya ayaa iyaguna go`aan ku gaadhay in wafdiga si aan rasmi ahayn loo soo dhaweeyo, lana xushmeeyo tolnimada iyo musaafirnimada, waxayna bulshada ku dhaqan Lughaya u caddeeyeen in aanay soo dhawayntu waxba ka baddalayn baaqii hoggaanka sare ee beeleha Maxamad Case maadaama ay soo xidhmeen wadahalladii dhaqanku markay taariikhdu ahayd 27kii bishii 10aad 2011.
Lughayanews - Lughaya desk


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waftigii Cabdi Doodi Oo Laga Sii daayay Xabsiga Lughaya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback