Eeboow haa iyo maya hal meel hanooga wada siinin waa lagu ducaystaa  

Barasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci ayaa laga dayrinayaa khibradiisa dhinaca maamulka ah waxana soo shaacbaxaya inay aad u yartahay awoodiisa maamul ee eebe siiyay si uu xal ugu helo xiisadaha ku xeeran uuna noqdo mid awood u leh inuu bulshadiisa wada hanto.

Barasaabka waxa lagu arkay dhaqamo la mid ah kuwii Shiikh Shariifkii Somaliya ee Ilahay meel kaliya kaga wada siiyay haa iyo maya markii uu ka hadlaayay arimaha Kenya iyo Somaliya sidaas oo kaleeto Barasaabku waxa uu bixiyay amar uu leeyahay ragii uu shaleeto ku tilmamay ineey yihiin Dagaal Oogayaal inay mikarafoono saartaan baabuur si ay dagaalkale u sii huriyaan oo ay dhagaha dadka aan raalida ka aheen Cabdi Doodi maqlaan hadal isaga quseeya.

Barasaab Xadi waxa ay arintaani dhalisey in la dhaliilo maamulkiisi isla markaana sidoo soomaaliya oo kaleeto ay dadka ugu badan ee ku nool boorame diyaariyaan inay qorsheeyeen mudaharaado ka soo horjeedo maamulkiisa iyaga oo markaasi codsan doona in xilka uu isaga dago mar hadii uu ku guul daraystay inuu umada ka hor istaago dagaal oogayaashii uu isagu horeetoba sheegay.

Waxa kale oo wararka Boorame nooga iimaanaaya eey sheegaayaan in barasaabku uu si muuqato ugu fashilmay arimahaas isla markaasina uu dhanaciisaba ka qorsheeynaayo inuu xilka isaga tago isga oo aanay cidina qasbin ka hor inta aan maamuus ka feydid shacab lagu sameeynin

Lughayanews-Oslo