qabuure.jpgBoorama-(Lug)-Dowlada hoose ee Boorama ayaa maanta howlgal lagu xadaynayo xabaalaha galbeedka magaalada Boorama ku guddo jira, maayarka magaalada Boorama oo shaqadaasi ay la wadeen joomitirada dowlada hoose oo cabirayay qorshe loo qoondeeyey in qof la aasayo lagu aaso qiyaas dhan 2M ilaa 2.5M oo isku wareeg ah loolana jeedo sidii dhulka loogu tashiili lahaaa si ay u noqdaan mid qaada ama lagu aasi karo dad badan.

Waxana goobta xabaalaha ee howlgalka ay ka wado dowladda hoose ka muuqday kilaadhi loogu talo galay in loo isticmaalo waysada marka lagu tukanayo maydka intaan la aasin, goobtii howshan cabirka xabaalaha oo ah meesha magaceedu yahay Sogsoglay oo 4KM dhinaca galbeedka Boorama ka xigta ayaa saxaafada ugu waramay maayarka magaalada Boorama C/raxmaan Shide Bile waxuuna carabka ku dhuftay in howshani tahay mid lagu ogaanayo inta dhimatay ee xabaalaha lagu aasayo oo diiwaan galin loo samayn doono, waxana ka howgali doona xafaariinta (Kuwa Xabaalah Qodda) oo xisaabtan iyo wada shaqayn ay la samayn doonaan dowladda hoose, isagoo arrimahani ka hadlayana waxuu yidhi”Xabaalaha Bariga ee Caro-qoolaab iyo meelo kale oo ay bixiyeen dadwaynuhu in lagu aaso dadka dhintay ayaa howshan aanu ka fulin doonaan, waana arrin looga dan leeyahay tashiilida dhulka oo awal loo aasi jiray xabaalaha oo kala fog fog”.

qabuura-la-cabirayo.jpg

Engineerka dowlada hoose ee Boorama Maxamed Xasan Cumar (Gando0 ayaa xusay in howshani ay tahay mid dadka dhul boobka ah lagaga xadaynayo meelaha xabaalaha ah ee danta guud loogu talo galay lagagana badbaadinayo dhulkaasi, arrintanina waxay kaalin wayn ka qaadanaysaa tiro koobka dadka dhintay oo diiwaan galintii dowlada hoose lagaga saari doono magacyadooda”.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay siyaasida Axmed Muumin Seed oo ka mid ah Ururka cusub ee Wadani waxuuna tirintan ku tilmaamay mid ahmiyad balaadhan leh wuuna soo dhaweeyey howlgalkan ay dowlada hoose ka wado xabaalahaasi, Waana howshii ugu horeysay ee noocan oo kale ah ee dowladda hoose ee Boorama ay ka fuliso deegaanadan degmada Boorama ee ka baxsan shaqadii ay qaban jireen.

 


Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama