Boorama-(Lug)-Ururka AL-HUDA AL-ISLAAMI ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ayaa deeq raashin ah u qaybiyay 550 qoys dadka danyarta ah ee ku nool xaafadaha SH.Axmed Salaan iyo SH.Cali Jawhar ee magaalada Boorama.
waxaana loo qaybiyay raashin iskugu jira Bariis, Daqiiq iyo Saliid, goobihii lagu qaybinayay raashinkaasi ayaa waxa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal waxuuna xusay in raashinka iyo dadka loo qaybinayay ay kala badan yihiin waxuuna uga mahad celiyay haayada deeqdaasi mucaawimada ah ee soo gaadhsiiyay dadkaasi aan waxba haysan isagoo arrimahan ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaa loo baahan yahay in raashin gurmad ah oo deg deg ah lala soo gaadho dadka danyarta ah ee goobahaasi ku nool ee raashinkii ku filnaan waayay”.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay madaxa Hayada AL-Huda Al-Islaami waxuuna sheegay in deeqdani oo ka timid dibadaha loogu talo galay dadka labadaasi xaafadood ee SH.Axmed Salaan iyo SH.Cali Jawhar ee danyarta ah ee xaafadaasi ku nool.
Waxa iyaguna oo halkaasi ka hadlay dad ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee xaafadaasi ku noolaa ee la soo gaadhsiiyay deeqdaasi uguna mahadnaqay hayada Al-Huda Al-Islaamiya.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hayada AL-Huda Al-Islaami Oo Raashin Mucaawino Ah U Qaybisay Dadka Danyarta Ah Ee ku Nool Xaafadaha SH.Axmed Salaan Iyo SH.Cali Jawhar Ee Mag.Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback