Gargaara (lug)- Wararka ka imanaya magaalada Gargaara ee degmada Lughaya ayaa sheegaya in qurbajooge Cabdi Doodi iyo kooxdii la socotay ay ka baaqdeen inay gelaan magaaladaasi kadib markii ay deegannaada ku xeeran Gargaara ku faafeen dhallinyaro xoolo dhaqato ah oo doonayay inay wafdiga qubajoogga ah boobaan.
Maamulka maqaamka Xaaji Tawakal ee magaalada Gargaara oo hore loogu wargeliyay inay koox qurbajoog ah oo reer Awdal ahi soo booqanayso kana ducaysanayso Maqaamka, ayaa maanta barqadii la gaadhsiiiyay inuu waftigii sobobo ammaan-darro la xidhiidha u baaqday, oo uu jidka Laba dhegadka qaaday una kicitimay dhinaca tuulada Geerisa si uu Borama ugu laabto.
Wafdiga oo xaly cabsi ku joogay magaalada Lughaya ayaa saaka waabarigii isku dayay inay dhinaca magaalada Gargaara u baxaan, haseyeeshee waxa ay dhexda kala kulmeen warar cabsigelin xanbaarsan oo sheegaya in buuraha iyo dooxyada Gargaara ku hareeraysan lagu jiro islamarkaana uu amaankoodu halis ku suganyahay.
Waxa kale oo lagu soo warramayaa inay intaa kadib Lughaya ku noqdeen kabacdina ay jidka Labadhegedka ee xeebta woqooyiga Lughaya mara qaadeen, kadibna ay dhinaca Geerisa u kaceen.
Sidoo kale deegaanka Waraaba-Dareeray ee bariga magaalada Garbodadar ayaa sidoo kale waxa ku baahay kooxo budhacad lagu tilmaamay oo ka tirsan degmada Garbodadar oo doonayay inay waftiga qurbajooga ah qabqabtaan wixii ay xoolo wataanna kala wareegaan.
Dhinac kale taliyaha ciidamada qaranka ee galbeedka Somali Land, Gen. Yuusuf Iiman Diiriye ayaa C/rashiid Doodi iyo kooxdiisa ugu ballanqaaday inuu ammaankooda sugi doono kuna dari doono guuto sii dhawaysa illaa Borama, tallaabadaasina waxa ay ka danbaysay codsi ay guddiga socdaalku maamulka ciidanka u gudbisteen kadib markii ay heleen wararka sheegaya inay deegaanka ku baahsanyihiin kooxo hubaysani.
Magaalada Saylac-na waxa laga soo sheegayaa inuu ku xidhanyahay gaadhi raashin sida oo ka soo baxay Jabuuti oo la sheegay inay kooxda Cabdi Dooddi kula ballantay Gargaara si ay raashinka ugu qaybiyaan barakacayaasha Gargaara ku sugan, haseyeeshee gaadhiga oo la sheegay inuu Somali Land sifo sharci darro ah ku soo galay ayaa la baadhayaa sobobta iyo cidda ka danbaysa, inkasta oo kooxda Cabdi Doodi waaxda kastanka Saylac ku wargeliyeen in uu leeyahay ururka AYODA ee fadhigiisu yahay Borama haseyeeshee markii la baadhay laga waayay astaan caddaynaysa ururkaasi.Gaadhigiina illaa imika wuu xannibanyahay.
Lughayanews - Gargaara desk



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waftigii Cabdi Doodi Oo Loo Diiday Gargaara Iyo Warar Sheegaya Inuu Borama Ku Laabanayo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback