Hadalka uu ka dhawaajiyey Suldan Cabdi Muse Geele ayaa ah hadal munaasib ah oo beelaha Maxad Case ee degaan ahaan ugu munaasib ah oo beelaha Maxad Case ee degaan ahaan ugu balaadhan degaanka Galbeedka Somaliland (Awdal iyo Selel) uusan ku haysan wax wasiiro ah oo ugu jira xukuumada Axmed Maxamed Maxamud Silanyo iyo Cabdiraxman Cabdilahi Saylici.
Arintaa saami qaybsi la?aanta ayaa niyad jab ku ah beelaha muxaafidka ah ee taageera xukuumada maanta dalka ka jirta.
Iyagoo si ba’an uga soo horjeeday taliskii Dahir Rayale, Waxay aqoonyahanka beelaha Maxad Case sheegaan in arinta ictiraafka ee maqan aqoonyahankii keeni lahaa ay xukuumadu ayna shaqaalayn taasina ay tahay nasiib daro ku habsatay gudidii soo xushay wasiirada oo ay indho tirtay habkii Rayale wax u qaybin jiray arintaasina ay shacabka Somaliland u heelanaayeen in ay isbadasho.
Bal hoos ka akhri qaar ka mid ah aqoonyahanka Adal ee qurbaha iyo dalka jooga ee kaalinta wayn ka qaadan lahaa horumarinta iyo ictiraaf raadinta Somaliland:
Dr. Sa’ad Ismail Samatar ? USA
Dr. Suleiman Egeh ? USA
Dr. Abdillahi Hashi Abiib ? USA
Dr.Ahmed Hashi abib ? Canada
Dr.Hussein Egeh Amin ? USA
Dr. Omar Nur Mohamud ? USA
Dr. Kayd Aare ? USA
Dr. Maxamed Cali ? Canada
Dr. Cumar Haaji Farah ? Saudi Aribia, USA
Dr. Mohamed Geedi ? USA
Dr. Mohamed Kahiye Khalif ? African Dev. Bank Tunisia, USA
Dr. Abdirahman Beileh ? African Dev. Bank Tunisia, USA
Dr. Ali Ibrahim Bahar ? USA
Gen. Omar C. Hande ? USA
Ams. Mohamed Osman Hufane ? UK
Dr. Idriss Hassan Diriye ? UK
Dr. Yassin Ibrahim Magan (Aburaas) ? Somaliland, USA
Dr. Mohamed Hussein Egeh ? USA
Dr. Mohamed Dugsiye ? Canada
Dr. Axmed Tukale ? Canada
Dr. Maxamed Warsame Jabuuti- Canada
Dr. Maxamed Xuseen ? USA
Aqoonyahanadan oo wax ku bartay jaamacadaha dalalkan Maraykanka iyo Britain ugu sarsareeya sida Preston, MIT iyo Yale ayaa faa?iido badan usoo hoyn kara xukuumada fadhi baradka ah ee Axmed Silanyo iyo Cabdiraxman Saylici.
Hadaba ma laga yaabaa in xukuumada Axmed Silanyo ay guntiga dhiisha iskaga dhigi iyadoo ka faa?iidaysanaysa 4ta sano ee u hadhay badalysana wajigii looga bartay hogaankii UDUB ee laga tuuray maamulka.
Saami qaybsi isku dheeli tiran oo beelaha darifyadu helaan waliba beelaha muxaafidiinta ah ee Maxad Case waxay keeni kartaa isku soo dhawaansho gudaha iyo dibada ah iyo in si dhibyar loo damiyo dabka cadowga Somaliland ee gobol kasta ku dhexnool ee ay ka mid yihiin qurbojooga kolba meel xaflad ku qabsada ee iska dhiga inay cid matalaan ? laakiinse cida shacabka galbeedka Somaliland matashaa ay yihiin aqoonyahanka taageera maamulka Axmed Silanyo iyo Cabdiraxman Saylici aanse wax shaqo ah oo wax ku ool ah u hayn maamulka maanta jira taasina ay tahay guuldaro laga soo kaban karo hadii xukuumadu u guntado inay wax ka badasho goloha wasiirada sii naaxaya.
SayliciPress.Net


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Beelaha Muxaafidka Gob. Awdall Kuma Laha Siyaasi Matali Kara Golaha Wasiirada Inuu Yidhaa Wuu Ku Saxsan Yahay Suldan Cabdi Muse Geele "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback